Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Farkeeti oo ka qeybgalay shirkii sanadlaha ahaa ee wasiirrada Maaliyadda Jaamacadda Carabta+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Farkeeti oo ka qeybgalay shirkii sanadlaha ahaa ee wasiirrada Maaliyadda Jaamacadda Carabta+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibrahim Farkeeti iyo wafti u hogaaminayo ayaa dalka Baxrayn uga qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee Wasiiradda Maaliyadda ee Jaacadda Carabta, Shirkan ayaa waxaa soo agaasimay  shanta haya’adood ee dhaqaallaha ee hoostagta Jaamacadda Carabta. Waxaana isugu yimaada dhammaan Wasiiradda Maaliyadda & Gudoomiyeyaasha Bangiyada Dhaxe.

Arrimaha ugu muhiimsan ee shirkaan diiradda lagu saaray sanadkaan waxaa ka mid ah, Kobcinta maalgashiga wadamada ku bohoobay Jaamacada Carabta. Horumarinta Beeraha. Sidii loo heli lahaa suuq Carbeed oo midaysan iyo Dar-dar galinta dhaqaalaha waddamada Carabta

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa shirkaan hor dhigay warbixin ka hadlaysa guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya meesha uu marayo, caqabadaha jira iyo sida ugu habboon oo looga bixi karo. Sidoo kale Wasiirka ayaa soo jeediyey talooyin ku wajahan dowrka wadamada Carabta ee ku aaddan sida Soomaaliya u gacan siin lahaayeen dib u soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Sidoo kale intii kulanku socay ayaa Wasiirka Maaliyada Soomaaliya wuxuu kulamo gooni-gooni  ah la yeeshey dhamaan hey’adaha Maaliyadda Carabta ee ka soo qayb galay shirkaan iyo Wasiiradda Maaliyadda boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Kuwait waxayna ka wada hadleen xiriirka dhaqaalle ee labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa maalgashi dhax mara labada wadan. Sidoo kale Wasiirku wuxuu la kulmay boqorka dalka Bahrain Amiir Hamdi Binu Ciisaa Aala khaliifa, wuxuuna siiyey warbixin ku saabsan Soomaaliya ayiga oo ka wada hadley xiriirki dhaqaalle ee labada wadan.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay gudomiyaha sanduuqa Sacuudiga iyo kan lacagta carabta, waxayna aad ooga wada hadleen sidii Soomaaliya looga kaalmeen lahaa dhanka dhaqaallaha, Maalgashiga iyo Sidii looga cafin lahaa deynta ku raagtay.

Ugu danbeentii shirka oo socday mudo labo maalin ah ayaa gaba gabadii kulanka waxaa aad loogu soo dhaweeyey horumarka ay dowladda Soomaaliya ay ka samaysay  dhanka maamul wanaaga maaliyadda, iyo isla xisaabtanka, taas oo dhiiri galin karta in dalku helo kaalmooyin wax ku ool ah.

12935246_1238256096202568_1483993563_n 12966742_1238257289535782_1799890052_n 12968548_1238255746202603_1411016621_n Baxrayn

Previous Post

Taliska qeybta guud ee booliska oo soo bandhigay gaariga laga tuuriyay hoobiyaha “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In