Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Fiqi oo la kulmay xoghayaha guud ee OIC

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
August 8, 2024
in Wararka
0
Wasiir Fiqi oo la kulmay xoghayaha guud ee OIC
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya musane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Jiddah ee dalka boqortooyada Sucuudiga kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee ururka dowladaha Islaamka mudane Xuseen Ibraahim Daaha, waxaana ay ka wada hadleen caqaalaadka labada dhinac iyo danaha wadaagga ah ee ka dhexeeya.

Wasiir Fiqi ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay la shaqeynta ururada caalamiga ah oo OIC ka mid tahay, si sare loogu qaado doorka Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga dowladaha Islaamka danjire Daaha ayaa bogaadiyey dadaalada dib u kabashada ah ee ay qaaday dowladda Soomaaliya, sida la dagaalanka xagjirka, horumarinta hay’adaha dowliga ah iyo arrimaha bulshada.

Wasiir Fiqi ayaa Jeddah uga qaybgalay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda dalalka OIC, kaas oo looga hadlay qadyadda reer Falastiin.



Previous Post

Guddiga Maaliyadda Gurmad Qaran oo markale baaq u diray bulshada Soomaaliyeed

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo Booqday Xarumaha kala duwan ee Caafimaadka Baydhabo 

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo Booqday Xarumaha kala duwan ee Caafimaadka Baydhabo 

Wasiirka Caafimaadka oo Booqday Xarumaha kala duwan ee Caafimaadka Baydhabo 

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In