Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Amb: Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay in ay magac dilaan dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay tallaabo ka qaadi doonaan mas’uuliyiintaas oo uu sheegay in ay garanayaan, haddii ay ka tanaasuli waayaan waddadaas qaldan oo ay ku socdaan.

” Dalkan, waxaan oganahay rag mas’uuliyiin ah oo lacag lagu soo siiyay oo dowlado kale ay lacag soo siiyeen oo aan haynaa xaqiiqdood, magac dil sameeyaan biilna ku qaata, waan oganahay dadkaas, weyna is ogyihiin, dadkaas in ay daka soo hor istaagaan ma ahayn oo waliba Soomaali in ay wax u sheegaan,”.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Sidoo kale, Wasiir Fiqi. ayaa tilmaamay in maalin maalmaha ka mid ah kashifi doonaan mas’uuliyiintaas haddii ay ka joogi waayaan arrimaha gurracan ee magac dilka ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

”Waa kashifeynaa maalinkeeeda haddii ay xishoon waayaan oo ka joogi waayaan bannaanka ayaa la soo dhigayaa, mucaarad waa ahaan jirnay waxna waa sheegi jirnay, haddii ay wax wanaagsan sameysanaha waa taageeri jirnay,”.

Ugu dambeyn, Amb: Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in mucaaradka siyaasadda u kala socnaadaan waxyaabaha xukunka lagu kala ridanayo iyo dalka sumcad dilkiisa.

Previous Post

NISA oo gacanta ku dhigtay labo dhagarqabe oo Khawaarijta ka tirsan

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo soo gabagabeeyay tababar Diblomaasiyadeed oo loogu talagalay Safiirrada cusub

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo soo gabagabeeyay tababar Diblomaasiyadeed oo loogu talagalay Safiirrada cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo soo gabagabeeyay tababar Diblomaasiyadeed oo loogu talagalay Safiirrada cusub

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In