Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeen Arrimaha Dibedda oo Muqdisho kula kulmay wakiil ka socda Finland(Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku xigeen Arrimaha Dibedda oo Muqdisho kula kulmay wakiil ka socda Finland(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

14th September… 2015 Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ayaa Muqdisho kula kulmay wakiilka gaarka ah ee wasiirka Arrimaha Dibedda  dowladda Finland oo soo gaaray Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Kulanka labada masuul oo ka dhacay xarunta wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye, ayaa warbixin ka siiyey Mr. Pekka Haavisto horumarka Soomaaliya ka socda iyo sida loogu baahan yahay in gacan ay dowladda Finland ka geysato dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, siyaasadda ammaanka iyo waxbarashada.

Mr. Pekka Haavisto Wakiilka gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibedda Finland, ayaa sheegay in uu aad  ugu faraxsan yahay sida Muqdisho loogu soo dhoweeyey iyo horumarka ay gaarta dowladda Soomaaliya saddexdii sanno ee la soo dhaafay, waxa uu intaa raaciyey in warbixin wanaagsan uu u gudbin doono dowladdiisa, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay gacan buuxdo ka geystaan taageerada Soomaaliya.

Mr. Pekka Haavisto ayaa xusay in dhowaan ay bilaaban doonaan Mashiir ballaaran oo ay dowladda Finland qorsheeneyso in ay ka fuliso gobollada dalka Soomaaliya qaarkood, kuwaas oo waxtar u lahaan doona nolosha dadweynaha Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeen Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey Mr. Pekka Haavisto booqashadiisa Soomaaliya  uu ku timid iyo guud ahaan dowladda Finland, waxa uuna sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhaxeeyo labada dal, loona baahan yahay in laga faa’ideysto si looga wada qeyb-qaato  dadaalka hadda socda.

 

image (1) image (2) image (3) image

 

Previous Post

Ambassador Cawaale Kullane oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay qaabka warbaahinta caalamku u tabiso arrimaha Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Shirkii Wasiirrada Arrimaha dibadda dalalka jaamacadda Carabta oo ka furmay Qaahira

Next Post
Shirkii Wasiirrada Arrimaha dibadda dalalka jaamacadda Carabta oo ka furmay Qaahira

Shirkii Wasiirrada Arrimaha dibadda dalalka jaamacadda Carabta oo ka furmay Qaahira

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In