Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo daah furay mashruuc lagu kordhinayo isbitaalka Deegaanka Huurshe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo daah furay mashruuc lagu kordhinayo isbitaalka Deegaanka Huurshe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo gacan kahelaysa Dowladda Sweden iyo Hey’adda save the Children ayaa maanta ku guuleeysatay furidda Mashruuc lagu balaarinayo xarunta Caafimaadka ee magaalada Huurshe oo qayb ahaan gacan weyn ka geysata daryeelka Hooyada iyo dhallaanka ee Waqooyiga Galgaduud.

Mashruucan oo ay wadajir u daah fureen Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey oo ay wehliyaan Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac, Lataliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Faarax Seeraar, Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, Wasiiro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka socotay hey’adda badbaada Carruurta Save The children ayaa isugu jira kordhinta shaqaalaha xarunta iyo adeegyada laga helo, iyadoo muddada mashruucu socdo la filayo in qaybo hor leh lagu kordhiyo isbitaalka Huurshe sida uu furitaanka mashruuca ka sheegay Madaxa Caafimaadka Hey’adda Save the Children Maxamed Cali Magan.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Axmednuur Cabdixamiid Guddoomiyaha Huurshe iyo Saadaq Sheekh Yuusuf oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in hergelinta mashruucan uu wax badan ka qaban doono baahiyaha ka jirta deegaanka

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa dadka reer Huurshe u rajeeyay in  mashruucan caafimaad ay kaga faa’iideystaan sida ugu haboon.

Ugu dambeyn Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey ayaa balan qaadey in dowladda federaalku gacan ka geysan doonto dhameystirka adeegyada kale ee wali ka dhiman mashruucan.

Previous Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo in ka badan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay in imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare ay u fariisan doonaan 42 kun arday

Next Post
23 kun oo arday oo maanta u fadhiisatay imtixaanka dusgiga sare

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay in imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare ay u fariisan doonaan 42 kun arday

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In