Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo socdaal shaqo ku tegay gaaray magaalada Garoowe “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo socdaal shaqo ku tegay gaaray magaalada Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey oo socdaal shaqo kusoo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa kormeeray xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, isbitaalka weyn ee Garoowe, Sheybaarka guud iyo Xarunta Caafimaadka Gobolka Nugaal.

Wafdiga Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac, lataliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane cali faarax seeraar iyo Aggaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026

Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa intii uu kormeerkani socdey warbixino ka dhageystay Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan oo sharaxaad ka siiyay habka uu u shaqeeyo nidaamka caafimaad ee Puntland, gaar ahaan dadaalada ay ka sameeyeen deegaanada ka fog magaalooyinka ee lagu suuragaliyay kordhinta tirada xarumaha laga heli karo daryeelka Caafimaad ee Hooyada iyo dhalaanka.

Wasaaradaha Caafimaadka Puntland iyo Galmudug ayaa kormeerkan indho-indheynta ah ku wadaagey waayo aragnimo iyo aqoon la xiriirta tusaalooyinka muuqda ee laga sameeyay xarumaha kala duwan ee adeeg bixinta Caafimaadka kuwaa oo bixinayay dhamaanba adeegyadii loo baahnaa ee muhiimka u ahaa bulshada Garoowe.

Wasiirada Caafimaadka Puntland iyo Galmudug oo Isbitaalka Garoowe kula hadley warbaahinta ayaa sheegay in arrintani qayb ka tahay xoojinta xiriirka labada wasaaradood.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Dr. Axmed xuseen macalin Dr. Gurrey ayaa ugu dambeyn ku booriyay Puntland iyo Galmudug kawada shaqeynta hormarinta  adeega aas-aasiga ah Caafimaadka Bulshada, isagoo ka warbixiyey ujeedooyinka safarkiisa uu ku kala bixinayo dhamaanba dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay kulan kooban oo ay ka qayb galeen labada Wasiir Caafimaad ee Puntland iyo Galmudug iyo dhamaanba howl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo ka dhacey hall-ka shirarka ee Wasaaradda isla markaana lagu eegay howlaha caafimaad ee ka socda gobolada kala duwan ee Puntland.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jaziira “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka gaadiidka XFS oo soo xiray tababar ku saabsan amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka gaadiidka XFS oo soo xiray tababar ku saabsan amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiirka gaadiidka XFS oo soo xiray tababar ku saabsan amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In