Monday, July 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo socdaal shaqo ku tegay gaaray magaalada Garoowe “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo socdaal shaqo ku tegay gaaray magaalada Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey oo socdaal shaqo kusoo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa kormeeray xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, isbitaalka weyn ee Garoowe, Sheybaarka guud iyo Xarunta Caafimaadka Gobolka Nugaal.

Wafdiga Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac, lataliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane cali faarax seeraar iyo Aggaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.

Related posts

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

July 5, 2026
Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026

Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa intii uu kormeerkani socdey warbixino ka dhageystay Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan oo sharaxaad ka siiyay habka uu u shaqeeyo nidaamka caafimaad ee Puntland, gaar ahaan dadaalada ay ka sameeyeen deegaanada ka fog magaalooyinka ee lagu suuragaliyay kordhinta tirada xarumaha laga heli karo daryeelka Caafimaad ee Hooyada iyo dhalaanka.

Wasaaradaha Caafimaadka Puntland iyo Galmudug ayaa kormeerkan indho-indheynta ah ku wadaagey waayo aragnimo iyo aqoon la xiriirta tusaalooyinka muuqda ee laga sameeyay xarumaha kala duwan ee adeeg bixinta Caafimaadka kuwaa oo bixinayay dhamaanba adeegyadii loo baahnaa ee muhiimka u ahaa bulshada Garoowe.

Wasiirada Caafimaadka Puntland iyo Galmudug oo Isbitaalka Garoowe kula hadley warbaahinta ayaa sheegay in arrintani qayb ka tahay xoojinta xiriirka labada wasaaradood.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Dr. Axmed xuseen macalin Dr. Gurrey ayaa ugu dambeyn ku booriyay Puntland iyo Galmudug kawada shaqeynta hormarinta  adeega aas-aasiga ah Caafimaadka Bulshada, isagoo ka warbixiyey ujeedooyinka safarkiisa uu ku kala bixinayo dhamaanba dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay kulan kooban oo ay ka qayb galeen labada Wasiir Caafimaad ee Puntland iyo Galmudug iyo dhamaanba howl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo ka dhacey hall-ka shirarka ee Wasaaradda isla markaana lagu eegay howlaha caafimaad ee ka socda gobolada kala duwan ee Puntland.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jaziira “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka gaadiidka XFS oo soo xiray tababar ku saabsan amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka gaadiidka XFS oo soo xiray tababar ku saabsan amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiirka gaadiidka XFS oo soo xiray tababar ku saabsan amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho “SAWIRRO”

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

July 5, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Seattle ee...

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wufuud...

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo wefdi heer sare ah oo uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In