Wasiiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdifataax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan kula qaatay magaalada Nairobiย ee dalka Kenya Saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda Difaaaca Maraykanka.
Kulanka ayaaย diiradda lagu saaray sidiii kor loogu qaadi lahaa Wadashaqaynta Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amaanka iyo la dagaallanka argagixisada.
Taliyaha ย Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaasย Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay sidii loo xoojin lahaa qalabaynta iyo tababaridda ciidanka xoogga ย dalka ee hadda ku jira dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Wasiiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa dowlada Maraykanka uga mahadceliyey sida ay uga goโan tahay garab istaaga dowladda Soomaaliya.