Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda F. Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baraawe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda F.  Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baraawe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda F. Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga tirakoobka ciidanka xoogga dalka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga wasiirka ku xigeenka waxaa soo dhaweeyay Maamulka Magaalada Baraawe, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka oo uu ugu horeeyo Taliyaha ururka 25-aad ee Guutada Sedexaad Ciidamada Xoogga dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo la hadlay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in uu kormeeray Goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka, wuxuuna Warbixin ku saabsan xaaladad cidiamada ka dhageystay Saraakiisha hoggaamineysa.

Wasiirka ku xigeenka ayaa la hadlay Ciidamada Xoogga dalka, waxaana uu bogaadiyay hawsha wanaagsan oo ay u hayaan shacabka Soomaalkiyeed, isagoo u balanqaaday in wasaaradda Gaashaandhiga ay dardar galin doonto ka warqabka xaalada iyo baahida ciidamada si ay guud ahaan ula wareegaan Amniga guud ee dalka, wuxuuna ka codsaday inay laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan sidii guud ahaan cadowga ay u ciribtiri lahaayeen.

Wafdiga wasiir ku xigeenka ayaa kulan la qaatay Maamulka Magaalada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna u sheegeen  Bulshadii uu la kulmeen in ciidamda xoogga dalka ay shaqo wanaagsan ka hayaan magaalada iyo deegaanada ku dhow dhow, iyagoo shacabka ka difaaca cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, Wasiir ku xigeenka ayaa dhankiisa ka codsaday Bulshada inay xoojiyaan taageerada iyo garab istaaga ay kula jiraan ciidamada xoogga dalka.

Previous Post

Gudoomiye Taabit oo caruurta Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf Axmed dib ugu celiyay dhul laga heystay+Sawirro

Next Post

Wasaaradda Shaqada, Shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo ummadaha Muslimiinta oo xusaya dhalashadii Nabigeenna

Next Post
Wasaaradda Shaqada, Shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo ummadaha Muslimiinta oo xusaya dhalashadii Nabigeenna

Wasaaradda Shaqada, Shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo ummadaha Muslimiinta oo xusaya dhalashadii Nabigeenna

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In