Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo xarigga ka jaray Dugsi sare oo laga hirgeliyey Xudur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Barnaamijyada, Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo xarigga ka jaray Dugsi sare oo laga hirgeliyey Xudur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigani uu horkacayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyeen Wasiiro iyo xubno kale ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Soo dhoweyn kaddib Wasiirka iyo Wafdigiisa waxaa loo galbiyey xaruunta Dugsi Sare oo dhowaan dayactir iyo dhismo cusub lagu sameeyey, waxayna booqdeen qeybaha kala duwan ee dhismaha Iskuulka uu ka kooban yahay, iyagoo u kuurgaley tayada dhismaha iyo qalabeynta lagu sameeyey iyo gaari iskuulka uu leeyahay oo halkaa lagu soo bandhigey, waxayna xarigga ka jareen dhismaha Iskuulka Dugsiga Sare ee Xudur laga hirgeliyay.

Intaa kaddib waxay kulan isxogwareysi ah la qaateen Maamulka Gobolka iyo bahda Waxbarashada ugu horeyn Guddoomiya Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo soo dhoweeyey wafdiga ayaa Wasaaradda Maaliyada ku amaanay doorka ay ka qaadatay dib u dhiska lagu sameeyey dugsigani.

Cali Xaaji Aadan Madaxa Mashruuca Horumarinta Gobolada, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Maamulka koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Cismaan Malaaq iyo Lataliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed dhinaca Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka  Marwo Aamina Maxamed Mursal ayaa hadalo kooban ka soo jeediyey kulanka waxayna aad u bogaadiyeen horumarada ka socda Gobolka Bakool gaar ahaan Degmada Xudur.

Gabagabadii Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali (Qolocow) oo kulanka soo xiray ayaa la dardaarmey Maamulka Gobolka, Bahda Waxbarashada iyo Wasiiradii safarka ku wehliyey in ay dardar geliyaan habsami u socodka iskuulkaan, iskuulkana wuxu ku tilmaamay in uu yahay iskuul qaab casri ah loo dhisay, loona baahanyahay in carruurta wax lagu baro.

Maxamed Xasan Cabdiraxmaan (Bakool)

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub Dawladda Ingiriiska usoo magacowday  Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Haweenka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Haweenka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Haweenka "SAWIRRO"

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In