Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Haweenka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Haweenka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shir-weynaha Qaran ee haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin Qaranimada iyo dib-u-dhiska dalkeena.

“Dowlad ahaan waxaa naga go’an in aan xaqiijinno in haweenka la siiyo maqaamkooda si ay u gaaraan guulahooda. Marnaba iskama indha tiri karno doorka haweenka. Haddii maanta tirakoob la sameeyo, waxaan hubaa in ay haweenku ka badan yihiin 55%, sidaasi darteed waxaan u shaqeyneynaa in ay xuquuqdooda helaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka.

“Haweeney kasta oo halkaan fadhisa waa hoggaamiye, marka laga soo billaabo guryahiina ilaa heer bulsho. shaqsiyan waxaan ogahay doorka ay hooyadey ka qaadatay in aan noqdo maanta qofka aan ahay, waa macalinkeygii ugu horeeyay, waxay i bartay sidii aan u socon lahaa iyo sidaan u hadli lahaa, cid aan hooyadey ku badallan karo ma jirto” ayuu raaciyay.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ururada haweenka, siyaasiyiinta, mas’uuliyiin iyo haween bulshada dhexdeeda magac ku leh.

 

 

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo xarigga ka jaray Dugsi sare oo laga hirgeliyey Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo Dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo Dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026
0

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah...

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
0

Bulshada Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, taas oo ka...

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
0

Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In