Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda xukuumadda F. S. oo dhagax dhigay dhismaha xarunta maamulka Gaalkacyo+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku xigeenka Maaliyadda xukuumadda F. S. oo dhagax dhigay dhismaha xarunta maamulka Gaalkacyo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda Dowladda Fadaraalka Soomaaliya
Prof: C/llaahi Sheekh Cali “Qalloocoow” iyo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa
maamulka Gobalka Mudug ee Puntland ayaa maanta dhagax dhigay xarun la
doonayo in uu ku shaqeeyo Maamulka Dagmada Galkacyo ee Puntland,
iyadoo dhismaha xaruntaan uu qeyb ka yahay Mashaariicda horumarineed ee ay
wasaaradda maaliyaddu ka waddo Goballada Dalkeenna.

Munaasabadda Dhagax dhigga xarunta Dagmada Galkacyo ee Puntland ayaa
waxaa ka hadlay Duqa dagmada Galkacyo ee Dowlad Gobaleedka
Puntland Maxamuud Yaasiin  Axmed (Tumeey) waxaana uu sheegay in ay aad
ugu faraxsan yihiin in loo dhiso xarun cusub oo uu yeesho maamulka
dagmadu maaddaama tii horay ay ugu shaqeeyn jireen ay ku bur burtay
weerar kooxda argagixisidaa ee Al shabaab ay ku qaadeen xaruntoodii
iyo goobo ay lahaayeen dad shacab ah isagoona sidoo kale uga mahad
celiyay dowlada fadaraalka Soomaaliya dhismaha xaruntan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Gudoomiyaha Gobalka Mudug  Dowlad Gobaleedka Puntland Xasan Maxamed
Khaliif (Abgaaloow) iyo Madaxa mashruucaan ee wasaaradda maaliyadda
Dowlada fadaraalka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan oo iyaguna Goobta ka
hadlay ayaa ugu baaqay kambaniga howsha qabanaya in ay u qabtaan
dhismaha mashruucaan sida loogu tala galay.

Madaxa mashruucaan Cali Xaaji Aadan ayaa xusay in mashruucaan uu yahay mid
lagu tijaabinayo maamulka puntland ee dagmada Galkacyo iyo kambaniga
howsha wada sidaa darteedna looga baahan yahay in xil gooni ah ay iska
saaraan habsami u socodka howshan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda Dowlada Fadaraalka Soomaaliyeed
Prof; C/llaahi Sheekh Cali “Qalloocoow” ayaa ugu danbeyntii goobta dhagax
dhigga kula hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay in dhismaha xarunta
dagmada Galkacyo ee Puntland ay qeyb ka tahay mashruucyo horumarineed
oo ay wasaaraddu ka waddo qaar ka mida Goballada Dalka,  wasiirka
ayaa ugu baaqay dhalinyarada reer Galkacyo in ay hormuud ka
noqdaan sara u qaadista horumarka iyo Ammaanka Gobalka Mudug.

Previous Post

R/wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Baydhabo

Next Post

DAAAWO SAWIRRADA:- Safarka Ra’isulwasaaraha Ee Baydhabo Janaay

Next Post
DAAAWO SAWIRRADA:- Safarka Ra’isulwasaaraha Ee Baydhabo Janaay

DAAAWO SAWIRRADA:- Safarka Ra'isulwasaaraha Ee Baydhabo Janaay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In