Wafdi balaaran oo uu hogaamino Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya mudane Cabdullahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa socdaal shaqo ku Marayey Dalka Mareykanka ayaa soo gaarey gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka.
Wafdiga waxaa qaabilay oo soo dhaweeyey madaxa hay’ada Somali American Citizens League Engineer Jibril Afyare ahna aqoonyahan mar walba u taagan kana shaqeeya isku xirka dowlada Somaliya iyo Maraykanka.
Ulajeedka booqashada wafdiga oo ahaa inay la wadaagaan Jaaliyadda Soomaaliyeed qorshaha horumarinta Soomaliya ama NATIONAL DEVELOPMENT PLAN ee 2017 ilaa 2019, isla markaana ay wada tashi la yeeshaan sidii ay qurbajoogta ay kaga qayb qaadan lahaayeen horumarka iyo maal gashiga dalkooda hooyo.
NATIONAL DEVELOPMENT PLAN sida uu wafdigu u dhigay waxuu dardar gelin doonaa isbadel la taaban karo si loo helo iskufilnaan, waxsoosaar iyo kobcin dhaqaale loogaga kaaftoomi karo deeq bixiyaasha.
Liban Hussein
Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Minneapolis