Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mdaxweyene Xasan Sheekh “gobolka Banaadir horumarka dalka ayuu tusaale u yahay”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 22, 2016
in Wararka, Xulashada
0
Mdaxweyene Xasan Sheekh “gobolka Banaadir horumarka dalka ayuu tusaale u yahay”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa aqalka dowladda hoose ee Muqdisho uga qeyb-galay, munaasabad lagu xusayey sannad-guurada koobaad ee maamulka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar weyn, tusaalaha koobaadna uu u yahay gobolka Banaadir  oo ah caasimadda dalka, maamulka waxaan ku ammaanayaa dedaalka, wada-shaqeyn iyo isku tashiga uu gaaray maamulka oo kaashanaya shacabkiisa.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

“waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed guud ahaan in ay eegaan horumarrada dalka uu gaaray mudada yar ee ay fursadda siiyeen dowladdooda, waxaan hubaa in sanadaha soo socda aan hiigsan doonno tallaabooyin ka waa weyn ka horumarsan kuwa hadda aan heysanno, arrinta dhismaha waddooyin ee mashruuca dalkaaga Hal Dollar ku dhiso, guul ayaa laga gaaray welina waan ku dhiiragelinayaa, xitaa dadka Soomaaliyeed ee deggan gobollada dalka in ay iyaguna ku biiraan howshaasi dib u dhiska dalka looga qeyb-qaadanayo” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu  sheegay in marnaba aysan dhici doonin in xuquuqda gobolkaan la waayo, cid fikraddaasi aaminsanna aysan jirin, madasha wadatashiga Qaranna ay go’aannadoodii ku jireen in awood qeyb-siga uu ahaado mid waddo cadaallad ah loo maray.

Madaxweynaya ayaa ka codsaday  dadka gobolka Banaadir ku nool mar kale in ay sii laba-laabbaan taageeridda hey’adaha amniga,  muddooyinkaan dambe, waxaa aad u soo hagaagay wada-shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga, taasina waa midda aan mar walba uga adkaan karno kooxahan shar-wadayaasha ah ee noo diiddan horumarkaan ayuu raaciyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii November ee sannadkii hore guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho u magcaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Munaasabadda, waxaa joogey guddoomiyaha gobolka ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen  Jimcaale, ku xigeennadiisa, wasiirro, xildhibaanno, Ganacsato, saraakiil ka socotay dowladda Turkiga, howl-wadeennada gobolka Banaadir iyo dadweyne lagu casuumaday munaasabaddaasi.

BH0A4819 BH0A4825 BH0A4844 BH0A4846 BH0A4856 BH0A4859 BH0A4918 BH0A4919 BH0A4921 BH0A4930 BH0A4932 BH0A4936 BH0A4938 BH0A4939 BH0A4942 BH0A4943 BH0A4958 BH0A4964 BH0A4965 BH0A4972

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed gobolka Minnesota “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga amniga doorashooyinka Qaran oo la kulmay Madaxda Jubalanad “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga amniga doorashooyinka Qaran oo la kulmay Madaxda Jubalanad “SAWIRRO”

Guddiga amniga doorashooyinka Qaran oo la kulmay Madaxda Jubalanad "SAWIRRO"

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In