Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo daah furay tartan ciyaareed loo qabtay kooxo ka dhisan Warta Nabadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo daah furay tartan ciyaareed loo qabtay kooxo ka dhisan Warta Nabadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Daahfurka Tartan Ciyaareedka bisha Ramadaan ee Degmada Warta Nabadda ayaa waxaa ka qayb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Senetaro ka tirsan Aqalka Saree ee dalka, Maamulka Degmada Warta Nabadda, Agaasimeyaasha Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho, xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo marti Sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay, waxaana ugu horeyn tartankan lagu daahfuray labada naadi oo kala ah Naadiga Buulo iyo Koox ku cayaareysy magaca Warbaahinta Qaranka. Taasi oo ay u soo daawasho tageen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Wartanabada Saynab Maxamuud Warsame Xaabseey oo furitaanka tartanka ka hadashay ayaa sheegtay in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin xoojinta isdhexgalka bulshada, ayna dhiiri gelinayaan dhallinyarada ka qeyb galaya tartanka.

Related posts

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaraddda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo daah furay tartanka ayaa Maamulka Degmada Warta Nabadda uga mahadceliyay qaban qaabidda tartanka, waxaana uu ka qeyb galayaasha tartanka ku booriyay inay muujiyaan asluub wanaag.

Tartanka ayaa waxaa ka qeyb galaya 20 kooxood oo ka dhisan degmada Warta Nabadda, waxana kulankii maanta ay ku soo idlaatay 4-2 oo ay guusha ku raacday Naadiga Buulo.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo darajadii ciidanka ka xayuubiyay Taliyihii hore booliska Gobolka Banaadir

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Dr Xasan u magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Dr Xasan u magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda

Madaxweyne Farmaajo oo Dr Xasan u magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In