Tuesday, February 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo dhagax dhigay Dugsi Hoose, Dhexe oo laga hirgelinayo Deegaanka Bali Guuleed “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo dhagax dhigay Dugsi Hoose, Dhexe oo laga hirgelinayo Deegaanka Bali Guuleed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya oo maalmahaan kormeer shaqo ku marayey Deegaanno ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa maanta dhagax dhigay Dugsiga Hoose Dhexe ee loo dhisi doono Deegaanka Bali Guuleed oo hoostaga Degmadda Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Wasiir Cabdiraxmaan Alcadaala iyo wafdi uu hogaaminnayo oo gelinkii hore ee maanta lagu soo dhaweeyay Degmadda Baxdo ayaa intii uu halkaasi joogay kormeer ku sameeyay xarumaha danta guud ee Degmadaas, sida isbitaalka cusub ee Baxdo loo dhisayo, Iskuulo iyo goobo kale.

Related posts

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sidoo kale Degmada Baxdo kulan saacado badan qaatay kula yeeshay Maamulka Degmada iyo Odayaasha Dhaqanka kaa soo looga arrinsanayey baahiyaha ka jira Degmada iyo sida ugu fudud ee loo xalin karo.

Booqashadan Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa Khamiistii lasoo dhaafay kasoo bilaabatay Degmadda Hobyo oo uu Xariga ka jaray Dugsigii Sare ee ugu horeeyay ee ay Hobyo yeelanayso kaa soo lagu dhisay qarash uu Wasiir Cabdiraxmaan bixiyey.

Sidoo kale waxaa uu lacag ugu deeqay Wasiir Alcadaala dhismaha wadada xiriirisa Hobyo iyo Gaalkacyo taasoo ay si isxilqaan ah ku dhisayaan bulshadda Deegaanku.

Previous Post

Wasiirka Gaadhaandhigga oo bogaadiyey tababarka la siinayo shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo wareysi  siiyay Telefishinka Turkiga ee TRT World

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada Galmudug  oo dib u dhagax dhigtay mid kamid ah dugsiyadii ku burburay dagaaladii sokeeye

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo wareysi  siiyay Telefishinka Turkiga ee TRT World

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo diirran u diraysaa Boqor Hassanal Bolkiah, Dowladda iyo shacabka Brunei Darussalam munaasabadda Maalintooda Qaranka. Soomaaliya...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Somalia Congratulates Brunei on National Day

February 23, 2026
0

The Federal Republic of Somalia extends its warmest congratulations to His Majesty Sultan Haji Hassanal Bolkiah, the Government, and the...

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdiqaadir Cilmi ayaa guddoomiyay kulan la xiriira arrimaha adeegyada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In