Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo qaabilay Lataliyaha Safaaradda Mareykanka ee La-dagaalanka Argagixisada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo qaabilay Lataliyaha Safaaradda Mareykanka ee La-dagaalanka Argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Lataliyaha La-dagaalanka Argagixisada ee Safaaradda Mareykanka, Bob Flannery.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada wacyigelinta iyo warbaahinta ee la-dagaalanka argagixisada, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa kaalinta warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay ee ku aaddan ciribtirka xagjirnimada.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac, oo ay ka mid yihiin Agaasimayaasha Waaxyaha Istiraatiijiyadda Warbaahinta, Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka.

Kulanka kadib, Wasiir Al-Cadaala iyo Bob Flannery ayaa booqday xarumaha Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ku soo arkeen shaqada ay warbaahinta dowladda ka waddo la-dagaalanka argagixisada.

Wasiir Al-Cadaala ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, warbaahinta, iyo dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirka ah. Wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho la-dagaalanka khawaarijta, iyadoo la xoojinayo doorka warbaahinta iyo wacyigelinta dadweynaha.

Dhankiisa, Lataliye Bob Flannery ayaa sheegay in Mareykanku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dowladda Soomaaliya, si gaar ahna uga taageero dadaallada la xiriira la-dagaalanka argagixisada iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.

Previous Post

Wasiirka Beeraha XFS oo oo kulan la qaatay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In