Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dawladda Federaalka Soomaaliya oo oo la kulmay Maamulka Koonfur Galbeed.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dawladda Federaalka Soomaaliya oo oo la kulmay Maamulka Koonfur Galbeed.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ee Dawlada Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali Qoloocaw oo Safarkiisa ay ku wehelinayeen xubno ka socoday isla Wasaaradda Qorsheynta  ayaa maanta Kulan la qaatey Kusimaha Madahaweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Kulanka oo looga hadlayey Ajandiyaal dhowr ah oo la xariira Qorsha Qaranka ayaa waxaa sidoo kale fadhiyey Wasiirro ka tirsan Maamulka, Waxaana Kulanka Shir guddoominaayey Maxamed Xasan Fiqi Kusimaha Madahaweyna Ahana Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
Cabdullaahi Sh. Cali Qaloocaw Wasiir Kuxigeenka wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dawladda Federalka Soomaaliya ayaa kulanka furitaankiisa ku faafahiyey Ujeedada ay Baydhabo u soo gaareen.

“Baydhaba waxaan u imaanay  inaan kala tashano dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mashaariic ay Midwoga Yurub bixin doonto, taasoo ay maamul goboleedyada ay si toos ah u maamuli doonaan.”
Ku simaha Madahaweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahana Wasiirka beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Xasan Fiqi ayaa Soo dhaweeyey socdaalka Baydhaba ku yimaadeen wefdiga uu hoggaaminayey Wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Iskashiga Caalamiga ah ee dowladda Federalka Soomaaliya.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

“Waxaan soo dhoweynayaa dadaallada Wasaaradda Qorsheynta ee dowladda Federalka, waana qorshe maqsuud galinaya dowlad goboleedyada, anagana waxaan ballanqaadeynaa in sidii loogu talo galay aan u maamulno\’
Dhinaca kale Ku simaha Madahaweynaha ayaa maanta Siminaar Aqoon kororsi ah u furay Ardayda lagu daah furi doono Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya oo Dhawaan uu Dhagaxdhigay Madahaweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan taasoo lagu baran Doono Sharciga iyo Qaynuunka. Siminaarkan oo la siinayey dhalliyaro Wax soobaratay ayaa laga soo xulay Ciidamada kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed  kuwaas oo aqoontooda ay gaarsiisneyd heer Jaamacadeed.
Barafisoor ka socoday Dawladda Taliyaaniga islamarkaasina Kamid ah aas aasiyaasha Jaamacadda ayaa Siminaarka bixin doona Dhowrka maalin ee Aqoonkororsiga Dhalinyarada u socon doono

vlcsnap-2016-10-27-12h04m34s092 vlcsnap-2016-10-27-12h05m34s563 vlcsnap-2016-10-27-12h05m00s102 vlcsnap-2016-10-27-12h06m13s847 vlcsnap-2016-10-27-12h06m13s847 (1) vlcsnap-2016-10-27-12h06m48s128

Previous Post

Safiirka Jabuuti iyo Saraakiil Ciidan oo gaaray Beledweyne

Next Post

Kulan ku saabsanaa xisaabinta hantida iyo bixinta Sakada oo loo qabtay Ganacsato+Sawirro

Next Post
Kulan ku saabsanaa xisaabinta hantida iyo bixinta Sakada oo loo qabtay Ganacsato+Sawirro

Kulan ku saabsanaa xisaabinta hantida iyo bixinta Sakada oo loo qabtay Ganacsato+Sawirro

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In