Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada XFS oo la kulmay saraakiil ka tirsan AMISOM “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 20, 2018
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada XFS oo la kulmay saraakiil ka tirsan AMISOM “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed  ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska AMISOM, iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

 

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Saraakiisha uu la kulmay wasiir ku xigeenka Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah  Johnson oo ka tirsan booliska AMISOM iyo Yoonis Nuur oo ka socda gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa looga hadlay  siddii wada jir la iskaga kaashan lahaa  wacyi gelin loo sameeyo ardeyda wax ka barta iskuullada gobolka Banaadir islamarkana laga wacyi geliyo fikirka xagjirka ee dhaliya rabshadaha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in xubnahan ka socday saraakiisha booliska AMISOM iyo gobolka Banaadir isku afgarteen qodobada ay ka wada hadleen.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay saraakiil ka tirsan booliska AMISOM oo uu ka mid yahay Johnson iyo Yoonsi Nuur oo ka socday maamulka gobolka Banaadir, arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah sidii iskaashi looga sameyn lahaa  sidii wacyi gelin loogu sameyn lahaa ardeyda taasoo ku saabsan in laga wacyi geliyo fikirka xagjirka ee ka dhaliya rabshadaha, waana isku afgaranay,”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada xukuuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta siddii loo horumarin lahaa Waxbarashada dalka, iyadoo Wasiirka Waxbarashada Cabdulahi Goodax Barre uu maalintii shalay ku dhawaaqay in la dhisi doono guddiga tacliinta sare ee dalka, si dib u habeyn loogu sameeyo waxbarashada Jaamacadaha dalka, loona ogaado tayadooda.

Previous Post

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagar qabe ka tirsan Al-Shabaab

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo uga tacsiyadeeyay Safaaradda Suudaan geerida Madaxweynihii hore ee Dalkaasi

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo uga tacsiyadeeyay Safaaradda Suudaan geerida Madaxweynihii hore ee Dalkaasi

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo uga tacsiyadeeyay Safaaradda Suudaan geerida Madaxweynihii hore ee Dalkaasi

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In