Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarumaha Caafimaad ee magaalada Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiir kuxigeenka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarumaha Caafimaad ee magaalada Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey Wasiir kuxigeenka Caafimaadka xukuumada Federaalka oo muddooyinkan kormeer uu ku ogaanayo baahiyaha caafimaad ee kajira deegannada Galmudug ku marayay degmooyin dhowr ah ayaa soo gaarey Magaalada Gaalkacyo oo uu uyimid qiimeynta heerka Adeeg bixinta Caafimaadka iyo sidii xal loogu heli lahaa culeesyada kajira Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac, lataliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Faarax Seeraar, Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed iyo Mas’uuliyiin  ka tirsan Golleyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug ayaa kormeeray Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug oo ay xog dheeri ah ka dhageysteen Maamulka iyo agaasinka Gobolka kuwaa oo xusey in ay sugayaan  balaarin lagu sameeyo adeegyada aas-aasiga ah ee Caafimaadka oo dhinacyada qaar u baahan in la kordhiyo baaxad ahaan.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Dr. Maxamed Cabdi Agaaaimaha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo iyo Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaare oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa kormeerka kadib wafdiga Wasiirka warbixin ka siiyay Howlaha ka socda Isbitaalkan iyo gaabisyada jira.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa dhankiisa xusey in kormeerkan oo ay ku mari doonaan deegaanno kale noqonayo mid wax looga qabanayo adeega aas-aasiga ah ee Caafimaadka.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Dr. Axmed xuseen macalin Dr. Gurrey ayaa faah faahiyey ujeedka booqashadiisan uu kumarayo degaano badan.

Wafdiga Wasiirka ayaa sidoo kale u guddbey Isbitaalka Gaalkacyo ee Puntland oo uu kusoo dhaweeyay Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir yuusuf Xaaji oo qayb-qayb u tusiyey shaqada baaxada leh ee ka socota xarumaha adeega caafimaadka ee Gaalkacyo iyo hormarada ay ka sameeyeen adeeg bixinta muddooyinkan, iyadoo howshani qayb ka tahay dadaalada isku xirka iyo wada shaqeynta labada wasaaradood oo wafdiga wasiirku ugu sii gudbey Magaalada garoowe ee Caasimada Puntland.

Previous Post

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kormeeray wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug “SAWIRRO”

Next Post

Golaha guud ee QM oo canbaareeyay af-genbiga Maali kuna baaqay in si nabad ah xilka loo wareejiyo.

Next Post
Golaha guud ee QM oo canbaareeyay af-genbiga Maali kuna baaqay in si nabad ah xilka loo wareejiyo.

Golaha guud ee QM oo canbaareeyay af-genbiga Maali kuna baaqay in si nabad ah xilka loo wareejiyo.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In