Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye “Hotelka Curuba ayay dowladda dhiseysaa, si loogu marti geliyo madaxda dalka soo booqaneysa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 15, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe dib loogu dayactirayo Hotelka curubo oo ka mid ah dhismiyaasha caanka ahaa ee ku burburey dagaaladii ka dhacay dalka xilli maalintii shalay uu kormeerey Wasiirka Warfaafinta oo ay wehliyaan injineero qiimeyn ku sameynaya.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo kormeeray hotelka Curuba ayaa tilmaamay in dib u dayactir lagu sameyn doono Hotelka Curuba, halkaasi oo ka mid ah meelaha muhiimka u ah bulshada.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Wasiirka oo ay wehliyaan injineero ayaa ku soo wareegay qeybaha uu ka koobanyahay hotelka, kaasi oo u jeedkiisu yahay sidii injineerada ay u qiimeyn lahaayeen suurta galnimada dib u dhis lagu sameeyo hotelka.

“Hotelka Curuba dowladda waxa ay dooneysaa in dib u dayactir lagu sameeyo, si loogu qabto shirarka muhiimka ah, laguna soo dhaweeyo dalxiisayaasha, waxaana sidoo kale la sameynayaa meel ay ku soo xirtaan doonyaha dalxiiska, runtii Hotelkan waxa uu marti gelin doonaa madaxda caalamka ee soo booqata dalka, hotelkan ahmiyad weyn ayuu ugu fadhiyaa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

 

Previous Post

Tartamayaasha degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “Dhageyso”

Next Post

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee Gobolka Bakool oo kormeeray qeybo ka mid gobolkaasi

Next Post
Ciidammadda AMISOM iyo kuwa Dowladda oo lawareegay Leego

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee Gobolka Bakool oo kormeeray qeybo ka mid gobolkaasi

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In