Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye iyo mas’uliyiin kale oo kormeeray xarun carruurta lagu daryeelo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay waheliyaan safiirka dowladda Cumaan u qaabilsan geeska afrika iyo Jaziiradaha komoroos iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta booqday dugsiga hoose iyo dhexe ee loogu magac daray qoraagii Soomaaliyeed Allaha u naxriistee Dr Xuseen Sheeklh Axmed Kadarre oo hada ah xarun lagu dhaqan geliyo carruurta derba jiifka ah ee magaaladda Muqdisho oo taasoo ay aas-aastay marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan.

Mas’uuliyiintan ayaa kormeeray fasalada carruurtan ay wax ku bartaan iyo qeybaha kale ee lagu xanaaneeyo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xaliimo Cabdulle Cali oo ah maamule ku-xigeenka xarunta ayaa mas’uuyliyiintii xarunta booqday waxa ay uga warbixisay xaaladaha ay carruurtan ku suganyihiin, iyadoo ugu baaqday dadka Soomaaliyeed gaar ahaan qurba joogta in carruurtan ay taageeraan.

“Caruurtan markii la keenayay xaaladaooda wey liidatay, hadana aad ayay u wanaagsan yihiin  oo waxa ay u egyihiin in waalidiintooda ay la joogaan,waxaan ugu baaqeynaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan qurba joogta in caruurtan la taageero”ayay tiri Xaliimo.

Safiirka dowladda Cumaan u qaabilsan geeska afrika iyo Jaziiradaha Komoroos Abdalla Bin Mubarak Al Araimi ayaa sheegay in uu aad ugu farxay markuu arkay carruurta xaruntan lagu xanaaneeyo, sida ay u noolyihiin iyo waxbarashooda, isagoo tilmaamay in dowladda Cumaan ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahadceliyay safiirka Cumaan kormeerka uu ku tagay xarunta carruurta derbi jiifka ah lagu xanaaneeyo, isagoo mahad gaar ah u jeediyay Marwada Madaxweynaha dalka oo xaruntasi dib u howlgelisay.

“Dowladda waxa ay hadda u jeesatay daryeelka carruurta Soomaaliyeed iyo sidoo kale maxaabaaiista oo hadda fursado sahqo abuuris ah iyo tababaro la siinayo, marka dowladda Cumaan aad ayay Soomaaliya u taageertaa” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Xaruntan oo lagu xanaaneeyo ku dhawaad 100 carruur oo ka mid ahaa kuwa derbi jiifka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku heysa ka warqabkooda Marwada Madxweynaha dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, waxaana carruurta xaruntan ay ka helaan daryeel nololeed iyo mid waxbarasho.

Previous Post

Degmada Kaaraan oo laga hirgeliyay xarun wax lagu barayo agoon “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In