Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye oo milkiilayaasha Hoteellada iyo Hay’addaha ka shaqeeya dalxiiska faray in ay isa soo diiwaan geliyaan+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye oo milkiilayaasha Hoteellada iyo Hay’addaha ka shaqeeya dalxiiska faray in ay isa soo diiwaan geliyaan+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad abaal marinno kala duwan lagu guddoonsiinayay Dadkii ku guuleystay kuwaasoo isugu jira Tigidho, ballan-qaadyo shaqo iyo Lacago Kaasha ah ayaa Xalayto lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo muddooyinkii dambe soo socotay ayaa waxaa qaban-qaabadeeda iska kaashaday waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Wasaaradda duulista Hawada,  hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda iyo xarunta Somtex oo ka caawinaysa xagga Tikidhada.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay ujeeddada ugu weyn ee ay munaasabaddani u qabteen tahay inay tahay soo nooleynta iyo dhiirri-gelinta Dalxiiska Soomaaliya.

Mudane; ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya uu yahay mid u samaysan Dalxiiska, inta badan Gobollada Waddankuna ay leeyihiin Xeebo lagu damaashaadi karo, wuxuna aad ugu mahad celiyay hay’adihii shirkadihii iyo mutaddadawaciintii kala shaqeeyay barnaamijkan.

Intii ay munaasabaddani socotay ayuu Wasiirku ballan qaaday inuu wax u qabanayo xubno ka mid ah Dadka baahiyaha gaarka ah qabo oo goobta ku sugnaa isaga oo la kaashanaya Madaxtooyada Qaranka.

Wasiir Maareeye ayaa milkiilayaasha Shirkadaha Dalxiiska ka shaqeeya, Hoteellada waaweyn, Shirkadaha Travel Tourisim-ka faray in ay laga bilaabo Maanta ay isa soo diiwaan geliyaan, si ay wasaraddu u siiso tababarro iyo talooyin, ulana wadaagaan shaqada ay qabanayaan.

Munaasabad oo ku saabsanayd abaal marinta safarka iyo Dalxiiska oo uu hal-kudhiggeedu ahaa aynu aragno dhinaca wanaagsan ee Soomaaliya ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Dadkii kaalinta weyn ka geystay barnaamijkan iyo shirkadihii ballan-qaadyada sameeyay.

           

Previous Post

Force Commander in Jowhar on mission to assess operational plans

Next Post

Wadamada Soomaaliya iyo Baxreyn oo yeelanaya Iskaashi Ganacsi “SAWIRRO”

Next Post
Wadamada Soomaaliya iyo Baxreyn oo yeelanaya Iskaashi Ganacsi “SAWIRRO”

Wadamada Soomaaliya iyo Baxreyn oo yeelanaya Iskaashi Ganacsi “SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In