Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wadamada Soomaaliya iyo Baxreyn oo yeelanaya Iskaashi Ganacsi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wadamada Soomaaliya iyo Baxreyn oo yeelanaya Iskaashi Ganacsi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wefdigii uu hoggaaminaayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdullaahi Cali Xasan oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay dalka Cummaan, ayaa gaaray wadanka Baxreyn, waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey oo ay kulan laba geesood ah wada-qaateen dhiggiisa dalkaasi Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Mudane Zayed R. Al Zayani.

Labada Wasiir, waxay ka wada-hadleen siddii loo abuuri lahaa ganacsi toos ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Baxreyn, isla mar ahaantaana la isku furo suuqyada ganacsi ee labada dal oo la helo khad maraakiibeed iyo mid Duulimaadyo toosa ah. Waxa kale oo ay carabka ku dhufteen siddii Xoolaha, Kalluunka iyo Dallaga Beeraha Soomaaliya loo geen lahaa suuqyada dalka Baxreyn.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Wasiiradu, waxaa kale oo ay isla-garteen in la helo is-afgarad u dhaxeeya labada Wasaaradood oo la xiriirta Ganacsiga, Warshadaha iyo Iskaashiga Dhaqaalaha, isla markaana la sameeyo guddi farsamo oo labada dhinac ah kana shaqeeya sidii loo abuuri lahaa xiriir Ganacsi  iyo weliba in la abuuro madal ay ku kulmaan Ganacsatada Soomaaliya iyo dhiggooda Baxreyn, sidoo kale la isku xiro Bangiyada Soomaaliya iyo kuwa Baxreyn si ay u fududaato hannaanka bixinta lacagaha badeecadaha, maadaama ay Baxreyn tahay goobta kulmisa Baananka Bariga Dhexe.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo wafdigiisa,  waxay intaas ka dib booqasho ku tageen Suuqa Saamiyada lagu kala iibsado ee dalka Baxreyn oo inta badan shirkadaha ku jiraa ay yihiin kuwo ay leedahay Xukuumaddu sidoo kale na waxay booqdeen qeybo ka mid ah Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee dalka Baxreyn, gaar ahaan Waaxda Diiwaan-gelinta Shirkadaha Maal-gashiga iyo Waaxda Xakameynta tayada badeecadaha iyo Agabka Ganacsi ee dalka Baxreyn. Waxa kale oo uu Wasiirku booqday shirkadda Tenmou oo ah shirkad Maal-gelin ku sameysa fikradaha Ganacsi ee cusub, gaar ahaantaan dhanka Tiknoolajiyadda Isgaadhsiinta, Dalxiiska iyo Duulimaadka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee dalka Baxreyn Mudane Zayed R. Al Zayani, ayaa qado sharaf u sameeyey dhiggiisa dalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo wafdiga uu hoggaaminaayey.

Previous Post

Wasiir Maareeye oo milkiilayaasha Hoteellada iyo Hay’addaha ka shaqeeya dalxiiska faray in ay isa soo diiwaan geliyaan+Sawirro

Next Post

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In