Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye oo sheegay in wada-Hadallada Soomaaliland iyo Soomaaliya ay sii socon doonaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye oo sheegay  in wada-Hadallada Soomaaliland iyo Soomaaliya ay sii socon doonaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan wada-hallada u dhaxeeya Soomaaliland iyo dowladda dhexe oo ka furmi waayay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kaddib markii markii ay shuruud adag ku xireen wafuuddii ka socotay Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbuul ka sheegay in shirkan baaqday uusan la micno ahayn in wada-hadalladii ay burbureen. Wuxuu tilmaamay in madaxda qaranka la tashi ay ugu laaban doonaan wada-hadalladuna ay dib u billaaban doonaan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo u sheegayaa inaan laga quusan doonin wada-hadallada,  waa sii socoon doonnaan” ayuu yiri wasiir Maareeye oo intaa raaciyay in labada wafdi ay isla garteen in wada tashiyo ay ula laabtaan madaxda ka sarreysa.

Wafdiga ka socday Soomaaliland ayaa diiday inay wada-hadallada galaan ayagoo dalbaday in wafdiga Dowladda Soomaaliya metelaya laga saaro wasiiro iyo masuuliyiin ka soo jeeda gobollada woqooyi ee dalka, arrintaas oo ay dowladdu ku tilmaantay mid aan la aqbali Karin.
Sanadkii 2012-ka ayay soo billowdeen wada-hadallada u dhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya, waxaa lagu heshiiyay arrimo badan ayadoo kulankii ugu dambeeyay ee madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Soomaaliland ku yeesheen dalka Jabuuti la isku raacay in laga wada hadlo arrimaha masiiriga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Roma iyo Juventus oo Bareejo Ku Kala Baxay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo Guriceel kula kulmay masuuliyiin ka tirsan ASWJ- DHAGAYSO

Next Post
Daawo Sawirada Wasiirka Gaashandhiga oo Guriceel lagu soo dhaweeyay Maanta

Wasiirka Gaashaandhigga oo Guriceel kula kulmay masuuliyiin ka tirsan ASWJ- DHAGAYSO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In