Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye oo sheegay in wada-Hadallada Soomaaliland iyo Soomaaliya ay sii socon doonaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye oo sheegay  in wada-Hadallada Soomaaliland iyo Soomaaliya ay sii socon doonaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan wada-hallada u dhaxeeya Soomaaliland iyo dowladda dhexe oo ka furmi waayay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kaddib markii markii ay shuruud adag ku xireen wafuuddii ka socotay Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbuul ka sheegay in shirkan baaqday uusan la micno ahayn in wada-hadalladii ay burbureen. Wuxuu tilmaamay in madaxda qaranka la tashi ay ugu laaban doonaan wada-hadalladuna ay dib u billaaban doonaan.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo u sheegayaa inaan laga quusan doonin wada-hadallada,  waa sii socoon doonnaan” ayuu yiri wasiir Maareeye oo intaa raaciyay in labada wafdi ay isla garteen in wada tashiyo ay ula laabtaan madaxda ka sarreysa.

Wafdiga ka socday Soomaaliland ayaa diiday inay wada-hadallada galaan ayagoo dalbaday in wafdiga Dowladda Soomaaliya metelaya laga saaro wasiiro iyo masuuliyiin ka soo jeeda gobollada woqooyi ee dalka, arrintaas oo ay dowladdu ku tilmaantay mid aan la aqbali Karin.
Sanadkii 2012-ka ayay soo billowdeen wada-hadallada u dhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya, waxaa lagu heshiiyay arrimo badan ayadoo kulankii ugu dambeeyay ee madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Soomaaliland ku yeesheen dalka Jabuuti la isku raacay in laga wada hadlo arrimaha masiiriga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Roma iyo Juventus oo Bareejo Ku Kala Baxay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo Guriceel kula kulmay masuuliyiin ka tirsan ASWJ- DHAGAYSO

Next Post
Daawo Sawirada Wasiirka Gaashandhiga oo Guriceel lagu soo dhaweeyay Maanta

Wasiirka Gaashaandhigga oo Guriceel kula kulmay masuuliyiin ka tirsan ASWJ- DHAGAYSO

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In