Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye “Wasaaraddu waxa ay xoojineysaa horumarinta Dalxiiska dalka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye “Dowladda waxaa ka go’an ilaalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Wasaaraddu xoojineyso dadaalada lagu horumarinyo dalxiiska dalka, isla markaana ay dhiiri gelineyso dadka ku howlan soo celinta bilicdii ay caasimaddu lahayd.

Wasiir Maareeya ayaa sheegay in dib u soo kabasho lagu jiro, ayna jiraan dhismayaal qurux badan oo laga hirgeliyay magaalada, isagoo intaa ku daray in adduunku ay ku tartamaan dhanka dhaqaalaha oo ay ka soo galayaan dalxiiska.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

September 26, 2026

“Adduunka waxa uu haatan ku tartamayo waa dhanka dhaqaalaha, sida loo sameyn lahaa meelo sidaan u quruxsan, Cabdullaahi Maxamed Nuur waxa uu furay Hotelkii ugu quruxda badnaa, soo kabashada inta lagu guda jiray, waxaan rajeyneynaa inaad tusaale u noqoto dadka dalka maalgashanayo” ayuu yiri  Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhallinyarada ku booriyay inay ka hortagaan cidkasta oo dooneysa inay carqaladeyso Nabadgelyada dalka, ayna ka shaqeeyaan xoojinta Nabadgelyada.

“Argagixisada bur burka halkan oo kale baabi’ineysa waa inaan iska qabanaa, dhallinyarada waa in ay dhahaan Nabad baan rabnaa, wuu dhamaaday xilligii argagaxa, wuu dhamaaday xiligii khilaafka, gor gortan ka geli meyno dowlad baan rabnaa waa inay dhahaan dhallinyarada oo ay garab istaagaan dowladoodu” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Previous Post

14 Qof oo ku dhimatay Diyaarad ku bur-burtay Dalka Kazakhstan

Next Post

Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeysay Geeriga Axmadeey Abuubakar Al-Camaari

Next Post
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule

Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeysay Geeriga Axmadeey Abuubakar Al-Camaari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay maalinta labaad...

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In