Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Mareeye oo Nairobi Kula Kulmay Mas’uuliyiinta Hay’adda USAID

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Mareeye oo Nairobi Kula Kulmay Mas’uuliyiinta Hay’adda USAID
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada Nairobi kula kulmay mas’uuliyiinta hay’adda USAID u qaabisan Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta ayaa la kulmay mas’uuliyiinta kala ah Monica J. Moore oo hay’adda USAID u qaabilsan barnaamijyada Soomaaliya,Sean Brooks oo ah la taliyaha barnaamijka xasilinta dalka iyo xubno kale.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa mas’uuliyiinta hay’adda USAID warbixin ka siiyay xaalada dalka Soomaaliya,isagoo sheegay in ay sii dhamaaneyso qatarta kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab,dowladana ay cirib tireyso haraadiga kooxdaasi.

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta Hay’adda USAID in Telefishinka qaranka iyo Radio Muqdisho laga sii daayo ruwayaado iyo barnaamijyo wacyi galin oo dhalinyarada looga wacyi galinyo qatarta kooxda Al-shabaab,iyo sida ay muhiim u tahay in ay ka tanaasulaan fikirka qaldan oo ay kooxdaasi ka dhaadhicisay.

Wasiirka warfaafinta ayaa u sheegay mas’uuliyiinta USAID in warbaahinta qaranka ay xurumo ka hir galisay qaar ka mid ah gobolada dalka,si shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo dowladnimada.

Wasiir Maareeye ayaa uga mahad celiyay hay’adda USAID sida ay dhinacyo badan uga taageerto wasaarada warfaafinta,waxana uu ka codsaday in ay sii wadaan taageeradaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka codsaday mas’uuliyiinta hay’adda USAID in ka taageeraan mashruuca dhaqanka,warbaahinta iyo library loo dhisay wasaarada warfaafinta.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in xiriir wanaagsan oo uu ka dhaxeeyo wasaarada warfaafinta iyo warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay.

Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sidoo kale ka codsaday mas’uuliyiinta hay’adda USAID in ay tababaro dhanka xirfada ah ay siiyaan shaqaalaha wasaarada warfaafinta iyo warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay intaba.

Mas’uuliyiinta hay’adda USAID ayaa sheegay in ay qaar ka mid ah gobolada dalka ka wadaan tartamo isboorti oo ah is dhex galka dhalinyarada,maadaama dhalinyarada ay tahay %65 shacabka dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Hay’dda USAID ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan la shaqeynta iyo taageeridda wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa.

Previous Post

Shirkad bixisa shidaalka diyaaradaha oo maanta ka shaqo billowday garoonka Aadan Cadde

Next Post

Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis Lagu Bixinayo Mushaarka Shaqaalaha Dowlada”Sawirro”

Next Post
Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis Lagu Bixinayo Mushaarka Shaqaalaha Dowlada”Sawirro”

Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis Lagu Bixinayo Mushaarka Shaqaalaha Dowlada"Sawirro"

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In