Sunday, December 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maxamed Xasan “ Waa mamnuuc in dalka la keeno Dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo.”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 year ago
in Wararka
0
Wasiir Maxamed Xasan “ Waa mamnuuc in dalka la keeno Dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay dhibaatada sii xoogeysaneysa ee maandooriyuhu ku haayo Bulshad, iyadoo dhallinyaro badan ay qabatimeen dawooyinka maandooriyaha loo isticmaalo.

Wasiir  kuxigeenka wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay in dalka la keeno dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

December 28, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

December 28, 2025

” Daawooyinka daroogada ah ee dadku maandooriy ahaan u isticmaalaan, waxaan rabaa inaan u sheego dawooyinkaas gabi ahaanba dalka waa ka mamnuuc, qof soo gadan kara, ka ganacsana kara, siina iibin kara runtii ma jirto, 30-kii sanno ee ugu dambeeyay dalkeenna waxaa ku soo qul qulayay dawooyin kala duwan oo aan runtii lahayn nidaam, aana lahayn sharciyad, labo gacan ayaa ku wajahnay arrintaas, waxaan sameynay sharcigii, qaanuunkii iyo kala hagiddii maareynta dawada iyo waliba qalabka caafimaadka, daawada sidaad ogtahay xaaliyan dalka dibaddiisa ayaa la tegaa, waa la soo iibiyaa, tayadeeda (Quality-geeda), heerka (Standard-ka) adduunka wuxuu leeyahay meel laga Kantaroolo, heerkaas inagoo raacayna, waxaan sameynay habraacaas, habraacaas runtii wuxuu kala hagi doonaa qawaaniinta lagu soo iibiyo dawada, 21-kii-Janaayo waxaa ansixiyay golaha wasiirada XFS, haddana wuxuu horyaalaa Baarlamaanka,”. ayuu yiri wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in ay waddo qaldan u maraan soo iibsashada daawo aan dalkan loogu talagelin oo maandooriye ah, taas oo qasbeysa in ay tallaabo ka qaadaan ganacsatadaas iyagoo u maraya laamaha amniga.

” Ganacsada guud ahaan waa ay ogyihiin, haddii waddo qaldan aad ku soo gadatid daawo qaldan oo aan dalkan loogu talagelin oo maandooriye ah waxaad ku talagaleysaa in aan kaa qabaneyno inagoo isticmaaleyno laamaha amniga, hay’adaha canshuurtana ay canshuur ka qaadin, daawo maandooriye ah dalkanaga inta xaddiga loogu talagalay dalka ee dawada loo isticmaalo waxaa bixiso wasaaradda caafimaadka, iyadoo warqadihii iyo wax walba oo lagu soo gadan lahaa diyaar ay yihiin.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa la dagaallanka dhammaan noocyada maandooriyaha ee ay isticmaalaan dhallinyarada, kuwaas oo sabab u noqda falalka amni-daro.

Ugu dambeyn, Baarlamanka Soomaaliya oo uu horyaalo sharciga iyo qawaaniinta lagu soo iibiyo dawada ayuu ka codsaday in ay ansixiyaan si ay u qaadaan tallaabooyin sharci ah oo lagu mamnuucayo dawooyinka maandooriyaha loo isticmaalo.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta

Next Post

Imaaraadka Carabta oo xarunta bixinta dal ku galka Visaha ka furtay Muqdisho

Next Post
Imaaraadka Carabta oo xarunta bixinta dal ku galka Visaha ka furtay Muqdisho

Imaaraadka Carabta oo xarunta bixinta dal ku galka Visaha ka furtay Muqdisho

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay, Madaxda 20-ka Urur siyaasadeed ee ka qayb galay,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

December 28, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bartiisa qoraal uu soo dhigay ku bogaadiyey kulankii maanta. Waxaan...

Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa’iil Ee Midnimada Soomaaliya

Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa’iil Ee Midnimada Soomaaliya

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta Villa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In