Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Mustaf Dhuxulow “Waa inaan dhalinyarada si buuxda u taageernaa si ay uga qeybgalaan siyaasadda iyo dimoqraadiyeynta Soomaaliya”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abu Dhabi, 09 December 2014 Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee Warbaahinta oo ka dhacay Abu Dhabi, kaas oo ay isagu yimaadeen khubarada Warbaahinta caalamka oo looga arinsanayey sidii loo diyaarin lahaa curin cusub oo ku wajahan la dagaallanka argagaxisada. waxaana mar uu ka hadlayey shirka uu yiri “Waa inaan dhalinyarada si buuxda u taageernaa si ay uga qeybgalaan siyaasadda iyo dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ayaa intii uu joogey caasimadda Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Imaaraadka Carabta Danjire Faris Al-Mazoui. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal. Wasiir Mustafa ayaa mahadcelin gaar ah u jeediyey dowladda Imaaradka ee ku aadan sida ay taageero buuxda ula garabtaagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay maanta ku tallaabsatay horumar ballaaran oo u baahan in si gaar ah loo sii taageero, si loo xasiliyo dalka.

Related posts

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026

Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlayey shirka ayaa yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay muhiimadda gaarka ah ee la siiyey warbaahinta marka ay timaado in lala dagaalo xagjirnimada iyo argagaxisada. Warbaahinta waa muhiim waxeyna u baahan tahay in caalamku uu taageero warbaahinta Soomaaliya, oo horumar ballaaran ku tallaabsatay. Sababta aan Soomaaliya warbaainta aan xoooga u saareyno ayaa ah inaan ku guuleysano hanashada iyo kalsoonida shacabka oo muhiim u ah Soomaaliya. Waayo, marka ay shacabka aaminaan in dowladda ay wax u qabaneyso ayaan oran karnaa waan hanan karnaa kalsoonida shacabka.”

Wasiirka oo hadalkiisa wata ayaa yiri “Dal kaligiis lama dagaali karo fikirka xagjirnimada iyo argagaxisda, sabatuna waxey tahay in fikirku uusan laheyn xaduud. Soomaaliya waxaan xiriir wanaagsan la leenahay waddamada caalamka oo ay dani ugu jirto in Soomaaliya ay degto oo ay noqoto waddan dimoqraadiyadda ka hirgashay. Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa wax badan ka qabatay horumarka warbaahinta Soomaaliya oo waxaan xoojinay xiriirka iyo isfahamka hay’adaha dowladda dhexdooda, waxaan mudnaanta siinaa guulaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo maalin walba guulo isdaba joog ah ka gaaraya la dagaalanka kooxaha argaxisada ah. Waxaan usbuuc walba soo saarnaa waxqabadka Dowladda oo ka hadlaya horumarka waxbarashada, caafimaadka, dhaqangelinta federaalka, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta iyo horumarka dhanka amniga. Waxaana mararka qaarkood ka hadalnaa horumarka dhanka bulshada.”

Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Waan fahamsanahay ahmiyadda iyo muhiimadda dhalinyarada iyo sida loogu baahan yahay in wax loola qabto. Waa inaan shaqo u abuurnaa dhalinyarada, waana inaan xirfado shaqo barnaa iyo waxbarasho tayo leh. Waana inaan ku dhiiri gelinaa sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen siyaasadda iyo dimoqraadiyeynta Dalka. Sidoo kale waxaan horumarinaa tayada warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxaana dhiiri gelinaa bulshada rayidka iyo doorkooda ku aadan horumarinta dhalinyarada.”

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo tababar loogu soo xiray Degmada Tiyeegloow

Next Post

Cisbitaalka Cadaado oo lagu soo kordhiyay qeyb cusub “SAWIRRO”

Next Post

Cisbitaalka Cadaado oo lagu soo kordhiyay qeyb cusub “SAWIRRO”

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In