Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Odawaa, “Hala soo dadajiyo liiska xubanaha Aqalka Sare ee Hirshabeelle”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiir Odawaa, “Hala soo dadajiyo liiska xubanaha Aqalka Sare ee Hirshabeelle”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda maamulka cusub ee Hirshabeelle looga fadhiyo sidii ay u soo dadajin lahaayeen Liiska Xubnaha Aqalka Sare u matalaaya maamulkaas.

Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa sidoo kale xusay in qoondada haweenka ee xubaha aqalka sare ay tahay mid lama tab taan ah, waxa uuna madaxda cusub ee maamulka Hirshabeelle ugu baaqay in ay soo gudbiyaan xubno ka soo dhalaali kara waajibaadka aqalka sare ee dowladda Soomaaliya, si dalka looga samata bixiyo xaalada adag ee uu ku jiro.

Related posts

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026

“Qaar ka mid ah gobollada dalka waxaa ka socdo doorashooyinka xubnaha aqalka sare ee dowladda Soomaaliya, sidaa daraadeed waxaa madaxda maamulka Hirshabeelle ugu baaqeynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo gudbiyaan liiska xubnaha aqalka sare ee maamulkooda. Sidoo kale qoondada haweenka ee 30% waa in laga helaa xubnaha ay soo xulayaan” ayuu yiri, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa”.

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii u horeeyay ee soo doortay xubnaha Aqalka sare u matalaya dowladda Soomaaliya, iyadoo xubnihii lagu doortay Cadaado ay goob joog ka ahaayeen doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

Previous Post

Dabageed: “Maamul aan aheyn Hirshabelle kama shaqeyn doono gobolka Hiiraan”

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo shirkad gaar ah u xilsaartay qaadista canshuuraha Gaadiidka

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda oo shirkad gaar ah u xilsaartay qaadista canshuuraha Gaadiidka

Wasaaradda Maaliyadda oo shirkad gaar ah u xilsaartay qaadista canshuuraha Gaadiidka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In