Wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo Wasiirka Qorshaynta Mudnae Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynta ayaa kulamo looga hadlayay dar dargelinta howlaha maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud la qaatay guddiga farsamada ee maamul u samenta goboladaasi iyo odoyaasha dhaqanka.
Wasiirrada ayaa kulankooda ugu horeeya la qaatay guddiga farsamada oo ay kala hadleen sida ay u socota soo xulidda ergooyinka ka qeyb galaya shirka iyo dar dargelinta habsami u socodka shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo Wasiiradu ay warbixinno ka dhageysteen xubno ka tirsan guddiga farsamada ee maamul u sameyynta gobolladaasi.
Wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo Wasiirka Qorshaynta Mudnae Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynta ayaa sidoo kale kulan la yeeshay odoyaasha dhaqanka oo ay isla meel dhigeen arrimo badan oo ku saabsan kaalinta odoyaasha uga aadan shirka maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Wariyaha Warbaahinta Qaranka Cabdikariin Axmed Bulxan oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa ku so warramay in labada Wasiir ay kulan gaar ah oo ay bahda saxaafaddu dibad joog ka ahayd la qaateen Madaxweyaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, kaasi oo aan la shaacinin waxa ka soo baxay shirkooda.