Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Caafimaadka Soomaaliiya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha iyo Amiirka Dowladda Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Drs Fawziya Abiikar Nuur ayaa Heshiis iskaashi iyo wax wada qabsi la saxiixatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Qatar Dr Xanaan Maxamed Al kawaari.

Heshiiskaan oo mudo badan laga soo shaqaynayay oo kol hore ay labada Wasaaradood isugu af garteen is fahan loo badalay heshiis ayaa maanta lagu hor saxiixay Madaxwayanaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Amiirka Qatar.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Heshiiska ayaa wuxuu ku qotomaa iskaashi xagga tayaynta iyo tababarada howlwadeenada caafimaadka, sare u qaadidda tayada adeegyada isbitaallada iyo baahinta gurmadka deg degga ah iyo wax ka qabadka cudurrada faafa.

Sidoo kale heshiiska wuxuu Soomaaliya ka saacidayaa in la helo xarumo caafimaad oo bixiya adeegyo tayo leh iyo sidoo kale wuxuu Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ka caawinayaa in ay yeelato awoodda fulinta gurmadka deg dagga ah, tayanta isbitaalada guud ee dalka, qalabaynta xarumaha lagu daaweeyo bukaanada iyo hirgalinta mashaariic iyo adeegyo caafimaad oo hor leh guud ahaan laga hirgelinayo dalka.

Waxaa la filayaa in Gudiyo farsamo oo isku dhaf ah ay ka wada shaqeeyaan hirgalinta heshiiskan sidoo kalena ay yeeshaan qorshe howleed lagu fuliyo heshiiskaan taariikhiga ah.

Heshiiskaan wuxuu qayb ka yahay qorshayaasha guud oo ay Wasaaradda Caafimaadka Soomsaliya ka leedahay baahinta iyo fulinta daryeel caafimaad oo leh tayo, kobcinta iyo sare u qaadidda aqoonta iyo xirfada shaqaalaha caafimaadka Soomaaliya.

Previous Post

Wasaaradda arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Danjire Caabi, kana warbixisay taariikhdiisa

Next Post

Duqa Muqdisho iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Afrika oo ka wada hadlay Mashaariic Horumarineed “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Afrika oo ka wada hadlay Mashaariic Horumarineed “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Afrika oo ka wada hadlay Mashaariic Horumarineed "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In