Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Oo La Kulmay Madaxda DF iyo DG “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirada Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Oo La Kulmay Madaxda DF iyo DG “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafi ka kooban Wasiirda Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulamo goon gooni ah la yeeshay madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre iyagoo kala hadlay arrimaha geedi socodka dib-u-eegista dastuurka. Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horrayn warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha howlaha dib-ueegista dastuurka isagoo xusay in arrimihii farsamada ay soo dhammaadeen, isla markaana loo baahnyahay in ay heshiis ka galaan madaxda labada heer dowladeed arrimaha siyaasadda ee ka kooban 10ka qodob sida Jinsiyadda, maqaamka caasimadda, awood wadaagga, hannaanka maaliyadda, hannaanka cadaaladda iyo amniga nooca dowladda.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dastuurku uu ka muhiimsanyahay arrimaha kale, islamarkaana uu gogol dhig u yahay dowlad wanaagga. Waxa uu sheegay in ay ka shaqyn doonaan sidii loo dhmmaytiri lahaa arrimaha yare ee ka harsan dastuurka maadaama 85% la soo dhameeyay dib- u-eegista Dastuurka.

Dhanka kale, Wafdiga Wasiirada Dastuurka ee Dowladda Federalka iyo dowlad gooleedyada ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Hirshabele Maxamed Cabdi waare, Jubbaland, AXmed Maxamed Islaam, iyo Koonfur galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac ayaa la wadaagay Madaxweynayaasha Dowwlad Goboleedyada arrimaha masiiriga ah ee u baahan in madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ay heshiis ka galaan, sidoo kale Wasiirka ayaa ku wargeliyay madaxda dowlad goboleedyada in ay soo gudbiyaan atagtidooda dastuurka islamarkaana ay ka soo jawaabaan su’aalaha nmasiiriga ah ee dastuurka.waxa uu xusay in ay muhiim tahay in loo oloeeyo sidii dastuurka loo dhammaytiri lahaa si ay bulshadooda uga tagaan dhaxal taariihkda u gala oo lagu xasuusto (legacy).

“Madaxda dowlad goboleedyada waxaa looga baahanyhay in ay ka qaataan door hoggaamineed arrimaha dib-u-eegista dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Ugu dambayn, Madaxweynayaasha dolwad goboleedyada ee kala ah, Axmed Maxamed Islaam, Jubbaland, Cabdicasiis Maxamed, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maxamed Cabdi Waare, Hirshabelle ayaa sheegay in dastuurku muhiim u yahay bulshada, islamarkaana uu yahay waxa isku haya dadka. Waxay ay sheegeen in ay qaadan doonaan doorkoodo islamarkaana ay soo gudbin doonaan aragtiyadooda ku aadan arrimaha masiiriga ah ee dastuurka. Sidoo kale Madaxweynayaasha ayaa xusay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo arrimaha dastuurka. Howlaha dib-ueegista dastuurka ayaa soo dhammaaday 85% iyadoo inta dhimmana la filayo in la dhammaystiro.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Lagu Wado Inay Ka Doodaan Doorashada 2020/2021

Next Post

Shuhadadii Ku Dhimatay Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Dowladda Hoose Ee Xamar Oo Loo Duceeyay “SAWIRRO”

Next Post
Shuhadadii Ku Dhimatay Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Dowladda Hoose Ee Xamar Oo Loo Duceeyay “SAWIRRO”

Shuhadadii Ku Dhimatay Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Dowladda Hoose Ee Xamar Oo Loo Duceeyay “SAWIRRO”

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In