Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Difaaca dalalka Saxaraha ka hooseeya oo shir ugu soo gabo gaboobay Masar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Wasiirada Difaaca ee dalalka la isku yiraahdo Saaxil iyo Saxaraha oo ay ka qeybgaleen in kabadan 20 dal ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Qaahir ee Xarunta Dalka Masar.

Shirka oo socday muddo afar maalin ah ayaa Waxaa Soomaaliya ku matalayay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C.qaadir Sh Cali Diini iyo wafidu uu hoggaaminayay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C.qaadir Sheekh Cali Diini oo u warramay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa sheegay in shirka looga dooday dhibaatada xagjirnimada ee caalamka ku sii faafeysa iyo sidii dalalka Siin Saad la isku dhaho ay isaga kaashan lahaayeen dagaal wada jir ah oo looga hortago.

“Arrinta ugu muhiimsan ee la isla gartay waxa ay taahay in si wadajir ah la isaga kaashado ka hortagga iyo la dagaallanka kooxaha Xagjirka iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan adduunka iyo Qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, lana sameeyo barnaamishyo wacyi galin iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada”Ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kulanka looga dooday in la dhiso ciidamo gaar ah oo jawaab ka bixiya qatarta ka imaan karta kooxaha argagixisada, dhawaana la soo saarayo qodobada la isku raacay intii shirku socday.

Kulanka Wasiirada Difaaca wadamada Saaxlil iyo Saxaraha la isku dhaho ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dowlado badan oo xibin ka ah ururkan ay dagaal kula jiraan kooxaha argagixisada ee beegsanaya goobaha ay ku kulmaan dadka shacabka ah.

Previous Post

Madaxweynaha: ‘‘Waxaan ku bogaadinayaa ciidammada maamulka Galmudug dagaalka ay kula jiraan argagixisada Al Shabaab’’

Next Post

Maxkamadda sare ee ciidanka Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Xasan Xanafi

Next Post
Maxkamadda sare ee ciidanka Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Xasan Xanafi

Maxkamadda sare ee ciidanka Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Xasan Xanafi

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In