Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka Ee Dowladda Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Oo Ku Shiray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka Ee Dowladda Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Oo Ku Shiray Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada Dastuurka Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa kulan ku yeeshay magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana ka soo qayb galay Wasiika Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirada Dastuurka Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha guddiga lasocodka ee Baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waxaana loga wada hadlay xoojinta wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradha dastuurka labada heer dowladeed iyo dardargelinta howlaha dib-u-eegista dastuurka.

Ugu horrayn, Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka furay ayaa uga mahadceliyay Wasiika Dastuurka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin soo dhawaynta iyo marti gelinta shirka, sidoo kale waxa uu u mahdceliyay Wasiirada Dastuurka Dowlad Goboleedyada ka soo qayb galkooda shirka.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Wasiirka ayaa ugu horrayn khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta arrimaha dib-u-eegsta dastuurka isagoo sheegay in loo baahanyahay in dowlad goboleedyada ay door muuqda ka qaataan geedi socodka dib-u-eegista dastuurka, wasiirka ayaa xusay in loo baahnyahay in dowlad goboleedyadu ay ka soo jawaabaan su’aalaha masiiriga ah ee dastuurka sida Awood Wadaagga, Hannaanka Maaliyadda, Maqaamka caasimadda, Hannaanka Cadddladda iyo Amniga. Wasiirka ayaa kula dardaarmay in ay dowlad goboleedyadu soo gudbiyaan aragtiyahooda qodobaddaas iyagoo eegaya habka wadamada federaalku u maareeyeen arrimaahas.

“Dastuurka farsamo ahaan wuu soo dhamaaday oo 85% waa la dhammaystiray, balse waxaa dhimman in arrimaha siyaasadda wax la iska yiraahdo oo madaxda qaranku ka fariistaan si ay heshiis uga gaaraan, wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada waa in ay howshaas hoggaan u noqdaan sidii loo soo dhammayn lahaa” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Dhanka kale, Wasiirada Dastuurka dowlad goboleedyada ayaa ballanqaaday in ay sii joogteyn doonaan wada shaqayta kala dhaxaysa wasaaradda dastuurka federlka iyaoo sidoo kale bogaadiyay howsha laga soo qabtay dib-u-eegista dastuurka. Wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada ayaa hoosta ka xarriqay in dastuura la siiyo muhiimadda koowaad, waxayna ballan qaadeen in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay kala hadli doonaan dardargelinta arriamaha siyaasadda islamarkaana ay soo gudbin doonaan aragtidooda ku aadan arrimaha dib-u-eegista dastuurka.

Ugu dambayn, Wasiirada dastuurka Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ku ballamay in ay kulan kale iskugu yimaadan magaalda dhusamareeb 11 August si horey loogu sii dhaqaajiyo arriamaha dhimman.

Previous Post

Wasiirka Qorsheynta iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Lagu Wado Inay Ka Doodaan Doorashada 2020/2021

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo beri ka doodi doona xeerka Qoondada Haweenka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Lagu Wado Inay Ka Doodaan Doorashada 2020/2021

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In