๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ง๐ ๐ญ๐จ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐:
Isaga oo ka qeyb galaya shirarka loo dhan yahay ee Sanad laha IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024, ayuu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa uu kulamo doceedyo miro-dhal ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay Dalalka Qaaradda Yurub ee qeybta ka ah geeddiga Soomaaliya ee horumarinta dhaqaalaha, dhammaan kulamadaas ayaa salka ku haya horumarinta Dhaqaalaha guud iyo dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya.
๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐
Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa wada-xaajiod midho-dhal ah Washington ku la yeeshay ๐๐ซ. ๐๐ข๐๐ค ๐๐ฒ๐๐ซ oo ka socda Wasaaradda Arimaha Debedda iyo Horumarinta ee Dawladda UK.
Kukanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ay Dowladda UK u kordhin lahaayeen taageerada ay siiyaan Dowladda Soomalaiya, taas oo qeyb ka qaadanaysa dar-dar galinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habaynta hanaanka dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.
๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ซ๐ฐ๐๐ฒ
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiimad gaar ah lahaa la qaatay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway haweenayda lagu magacaabo ๐๐ง๐ง๐ ๐๐๐๐ญ๐ก๐ iyo masuuliyiintii la scotay.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norway kaalintii ay ka qaadatay in Soomaaliya ay ka baxdo dalalka loo yaqaano โkuwa ay la dageen Qaamahaโ (๐๐๐๐) taas oo Dowladda Soomaaliya Masiib wanaag ay ka baxday dabayaaqadii 2023-kii.
๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฐ๐๐๐๐ง
Kulankan oo ka mid ahaa kulamo doceedyada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige aey la yeesheen Wafdigii ka socday Dowladda Sweden, gaar ahaan gabadha lagu magacaabo ๐๐ข๐๐ง๐ ๐๐๐ง๐ฌ๐ oo ah madaxa xafiiska horumarinta Siyaasadda iyo Diblumaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Sweden, wadahadalka labada dhinac waxaa ugu muhiimsanaa maalgalinta arrimaha isbadalka cimilada oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida oo Soomaaliya na ay qeyb ka tahay.
๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฉ๐๐ข๐ง
Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixinaya kulankii uu la qaatay Wafdiga Dowladda Spain ๐ช๐ธ ayaa yiri โWaxa fursad ii ahayd in aan la kulmo ๐๐ฌ. ๐๐๐ฎ๐ฅ๐ ๐๐จ๐ง๐ญ๐ก๐ oo ah Xoghayaha Guud ee Maamulka Lacagta iyo Maaliyadda Caalamiga ah ee Wasaaradda Maaliyadda Spain, iyada oo la gu jiro shirarka sanadlaha ah ee Bangiga iyo IMF.
Waxa aan falanqaynay geeddigii dayn-cafinta Soomaaliya iyo dadaalada aan haatan wadno ee dib-u-habaynta Maaliyadda oo Dowladda Spain ay door muuqdo ku laheyd.
๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐ฆ๐๐ซ๐ค
Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Dowladda Denmark oo ay hoggaaminaysay ๐๐ฌ. ๐๐จ๐ญ๐ญ๐ ๐๐๐๐ก๐จ๐ง oo ah Xoghaya Horumarinta Siyaasadda Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Denmark, wadahalaka oo ku qotomay xiriirka labada dal ka sukoow waxaa la falanqeeyay doorkii Dowladda Denmark ay kulaheyd hannaankii deyn cafinta iyo wadamada ku bahoobay Naadiga Paris.
Dhammaam kulamadaas ay yeesheen Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee Shirka Washington DC ayaa ku soo idlaaday natiijo horumar u ah Maaliyadda iyo dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.