Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga: Bandhiga Carwada Buugaagta Muqdisho waa astaan Nabbad iyo Xasilooni.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga: Bandhiga Carwada Buugaagta Muqdisho waa astaan Nabbad iyo Xasilooni.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa bogaadiyay Bandhigga buugaagta Muqdisho oo sanadkii labaad lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo booqday badhigga maanta (Jimco), ayaa qalinleeyda Soomaaliyeed iyo qabanqaabiyayaasha ku ammaanay dadaalka ay u galeen nooleynta qoraalka iyo aqriska kadib sanada badan oo burbur iyo dagaallo lagu soo jiray.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Qalinleeyda Soomaaliyeed waxa ay qaateen mas’uuliyaddooda,waxa ayna halkaan ku soo bandhigeen buugaag ay waqti iyo maskaxba geliyeen, waana ku ammaaneynaa sida ay uga qeyb qaadanayaan dhismaha wayiga bulshadeenna” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq.

“Hay’adaha ammaanka ee suurtagaliyay nabadeyna dalka si ay u qabsoomaan munaasabado nuucaan oo kale ah ayaa iyana mudan in aan ku ammaanno sida ay kaalintooda uga soo baxeen”. Ayuu raaciyay.

Wasiirka amniga ayaa noqonaya mas’uulkii dowladeed ee bandhigga ka iibsaday buugaagtii ugu badnaa, iyada oo ay koru dhaaftay buugaagta uu iibsaday soddon buug oo Af-Soomaali ku qoran isa markaana laga qoray dhinacyada kala duwan ee nolosha iyo taariikhda dalka.

Wasiirka oo dhex socday madasha bandhigga ayaa SONNA u sheegay: “Waa fursad aan sanadahaan dambena soo marin in hal goob la isugu keeno tiro intaan la eg oo ah maskaxdii qalinleeyda Soomaaliyeed, sidaa darted qof waliba waa inuu qaataa wuxuu aqrin lahaa illaa sanadka dambe”.

Bandhigga buugaagta Caalamiga ah ee Muqdisho oo muddoo saddex maalin ah soconayay ayaa lagu soo gabagabeeyay Muqdiho, iyada oo xiritaankiisana uu ka qeyb galay madaxweynaha jamhuuryadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

 

wasirka amniga bandhiga

Previous Post

Mo Farah oo la siin doono darajada ay bixiso boqoradda UK ee Knighhood

Next Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridi ku timid S/guud Maxamed Cali Samatar

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridi ku timid S/guud Maxamed Cali Samatar

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridi ku timid S/guud Maxamed Cali Samatar

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In