Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga ee Koonfurgalbeed “Ciidanka la keenay Baydhabo waxa ay ka shaqeyn doonaan sugidda Amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga ee Koonfurgalbeed “Ciidanka la keenay Baydhabo waxa ay ka shaqeyn doonaan sugidda Amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamada la geeyay Baydhabo uu dalbaday Maamulka Konfur Galbeed.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed.

Mudane Xasan Xuseen ayaa xusay in argagixisada Al-Shabaab ay doonayaan inay qal qalgeliyaan doorashada, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada la keenay magaalada ay gacan weyn ka geysan doonaan sugidda amniga magaalada Baydhabo.

“Argagixisada Al-Shabaab waxa ay doonayaan inay falal amni darro ka geystaan deegaanada Koonfur galbeed, ciidankana waxa ay ka shaqeyn doonaan amniga, ciidanka la keenay waxa ay u yimaadeen sugidda amniga, dowladda Goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya waxa ay ka midtahay dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, wax dhibaato ahna kuma qabno ciidamada naloo keenay oo ka shaqeynaya Nabad gelyada”. ayuu hadalkiisa ku daray.

Previous Post

Arday deeq waxbarasho ka heshay Suudaan oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Khartuum “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Turkiga kula kulmay Madaxda Xisbiga AK Party “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Turkiga kula kulmay Madaxda Xisbiga AK Party “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Turkiga kula kulmay Madaxda Xisbiga AK Party "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In