Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga ee Koonfurgalbeed “Ciidanka la keenay Baydhabo waxa ay ka shaqeyn doonaan sugidda Amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 30, 2018
in Wararka
0
Wasiirka Amniga ee Koonfurgalbeed “Ciidanka la keenay Baydhabo waxa ay ka shaqeyn doonaan sugidda Amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamada la geeyay Baydhabo uu dalbaday Maamulka Konfur Galbeed.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed.

Mudane Xasan Xuseen ayaa xusay in argagixisada Al-Shabaab ay doonayaan inay qal qalgeliyaan doorashada, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada la keenay magaalada ay gacan weyn ka geysan doonaan sugidda amniga magaalada Baydhabo.

“Argagixisada Al-Shabaab waxa ay doonayaan inay falal amni darro ka geystaan deegaanada Koonfur galbeed, ciidankana waxa ay ka shaqeyn doonaan amniga, ciidanka la keenay waxa ay u yimaadeen sugidda amniga, dowladda Goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya waxa ay ka midtahay dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, wax dhibaato ahna kuma qabno ciidamada naloo keenay oo ka shaqeynaya Nabad gelyada”. ayuu hadalkiisa ku daray.

 

 

Previous Post

Arday deeq waxbarasho ka heshay Suudaan oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Khartuum “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Turkiga kula kulmay Madaxda Xisbiga AK Party “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Turkiga kula kulmay Madaxda Xisbiga AK Party “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Turkiga kula kulmay Madaxda Xisbiga AK Party "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In