Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Galmudug oo ku booriyay cidamada dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Galmudug oo ku booriyay cidamada dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga gudaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Guddiga Difaaca Gobolka Mudug iyo Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa Degaanka Saqiiro ku sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga Degaanka oo qeybgalayay Xoreynta degmada Xarar-dheere iyo degaanno hoos yimaada, kuwaas oo howlgalkoodii kowaad maanta la wareegay Degaannada Ceelhuur iyo degaanno ku xeeran.

Cabdimanaan Sheekh Maxamed Cismaan Guddoomiyaha Difaaca Koonfurta Mudug ayaa Ciidamada u sheegay inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Related posts

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026

Wasiirka Amniga gudaha ee Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo halkaas kula hadlay ciidamada wadajirka ah ayaa ku boggaadiyay xoreynta deegaannada iyo Shacabka muddada ay dhibaataynayeen Kooxaha Khawaarijta Ah, wuxuuna kula dardaarmay inay mas’uuliyad ay iska saaraan dadka shacabka ah ee ku sugan degmooyinka iyo deegaannada kale ee ay tagi doonaan.

Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug oo garab ka helaya ciidama xoogga dalka dowladda iyo xoogaga kacdoonka degaanka ayaa howlgallo lagu xoraynayo degaannada ka maqan gacanta Galmudug  ka wadaan degaannada hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Waraaqaha Danjirenimo Ka Guddoomay Safiirada Dalalka Faransiiska, Netherlands iyo Slovakia 

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Faransiiska, Slovakia iyo Netherlands

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Faransiiska, Slovakia iyo Netherlands

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Faransiiska, Slovakia iyo Netherlands

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In