Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo booqday Hotel Maka Al-mukarama”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo booqday Hotel Maka Al-mukarama”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga gudaha ee xukuunadda Soomaaliya iyo taliyaha hay’adda Nabadsugidda Qaranka iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta howlo kormeer ah ku tegay hotelka Maka Al-mukarama ee Muqdisho oo Jimcihii ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, halkaasi oo ay warbixinno ku aadan sida uu ku dhacay weerarka iyo sida ay u soo afmeereen ciidamada amniga kaga dhageysteen saraakiisha hay’adaha amniga.

Sidoo kale xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ayaa gaaray Hoteelka, waxaana ay si wada jir ah uga warbixiyeen Wasiirka iyo xubnihii kale dhibaatada ka dhacday hotelka, sida looga hortagi karo iyo waxa ay ka qabto diinta Islaamka in dad shacab ah la gumaado.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ka sheekeeyay waxa ay ka qabto diinta Islaamka in la dhibaateeyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan, isagoo ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabhiyeen kooxda Al-shabaab in ay ilaah ugu towba keenaan dambiga ay ka galayaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

“Ficilkan ay sameynayaan shareecada ilaahay in uusan boos ku laheyn,sida aan isu gubaysaan ayaa aakhirina Naarta la idin ku shubi waayo waxaa dilaysaa waa dad Muslimiin ah Soomaaliya goormeey gaalowday?” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Canab Xasan Cilmi Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka ayaa ku baaqday in si wada jir ah loola dagaallamo argagixisada Al-Shabaab.

“Waa Hoteelkii labaad ee sanadkan gudahiisa la galo ee lagu laayay shacab iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed,waa Hoteel Shaamow xanuunkii ka dhacay xanuun lamid ah,waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in meel kasta oo ay joogaan nabad sugid iyo Boliis aad noqotaan” ayay sheegtay Canab.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay ka go’antahay sidi loo soo afjari lahaa dhibaatada ay shacabka ku hayaan maleeshiyaadka Al-shabaab, isagoo intaa ku daray in Wasaaraddu ay gacan ka geysan doonto sidii milkiilayaasha hoteleeda looga caawin lahaa sugidda ammaanka.

“Dadka la marin habaabiyay oo caqli yar uu ku dambeeyo in ay iska soo noqdaan iskana daayaan waxyaabaha ay gacanta kula jiraan anagana waan soo dhaweynaynaa waayo waa dadkeenii la marin habaabiyay” waxaa sidaa yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga gudaha ayaa amaanay laamaha amniga ee dalka dadaalada lagu xaqiijinaayo amaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????

??????????
Sawir Qaade:Sugaal Macalim

Previous Post

Barnaamijka Sahanka oo looga hadlay qatarta ka dhalan karta in bulshada la dhibaateeyo “Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Wasiirka Qorsheynta oo ka qeybgalay shir Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku yeesheen Sweden”SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Qorsheynta oo ka qeybgalay shir Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku yeesheen Sweden”SAWIRRO”

Wasiirka Qorsheynta oo ka qeybgalay shir Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku yeesheen Sweden”SAWIRRO”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In