Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Hambalyo u dray Ciidanka Badda Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha Oo Hambalyo u dray Ciidanka Badda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kuwaas oo maanta u dabbaaldegaya sannad-guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan sugidda amniga badda, ilaalinta xeebaha dalka, iyo difaaca madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

“Waxaan hambalyo u dirayaa Admiraallada, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Alifleyda, Dableyda, iyo dhammaan xubnaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha XDS, sidoo kale xaasaskooda iyo carruurtooda, munaasabadda sannad-guurada 61-aad ee aasaaska Ciidankan sharafta leh.”

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay xoojinta, tayeynta, iyo taageeridda Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Ciidanka Badda, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran ee ku aaddan ilaalinta badaha iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa u rajeeyey Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha horumar, guul, iyo adkeynta wadajirka ay ku difaacayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Previous Post

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘L𝐚𝐦𝐚 𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨 𝐢𝐧 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐜𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚’

Next Post

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

Next Post
Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In