Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta Soomaaliyeed.

Tababarka ayaa ciidamada lagu baray anshaxa iyo hab-dhaqanka ciidanimo, fulinta howlgalada khatarta badan, maaraynta hubka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Sidoo kale, ciidamada ayaa la baray hababka gargaarka loogu fidiyo ciidanka iyo shacabka waxyeelladu kasoo gaarto goobaha dagaalka, iyo sidii ay si hufan uga howlgeli lahaayeen xaaladaha kala duwan.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo awoodda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u noqdaan ciidan isku duuban oo si wanaagsan u ilaaliya amniga, nidaamka iyo kala dambeynta.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharafta iyo anshaxa ciidanka, dhowraan sharciga, isla markaana waajibaadkooda qaran u gutaan si daacadnimo iyo masuuliyad leh.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan oo laga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan oo laga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan oo laga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In