Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u furay shir muhiim ah oo Guddiga Hagidda Barnaamijka (Programme Steering Committee PSC), kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta Wejiga Labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska (Joint Police Programme JPP II).
Shirka, oo Wasiirku si wadajir ah ula guddoominayay bah-wadaagta caalamiga ah, ayaa ujeedkiisu ahaa dib-u-eegis iyo ansixin Qorshaha Shaqo iyo Miisaaniyadda Sanadka 2026, si loo dardargeliyo loona xoojiyo hirgelinta barnaamijka.
Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada, Taliyaha Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee kala ah UNDP, UNTMIS, UN Women, IOM, AUSSOM, iyo sidoo kale Midowga Yurub (EU) iyo Boqortooyada Midowday (UK).
Intii uu socday shirka, waxaa si faahfaahsan looga dooday heerka uu marayo hirgelinta JPP II, isku-duwidda howlaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, casharrada laga bartay wejiyadii hore, iyo tallaabooyinka lagu dardargelinayo gaarsiinta adeegyada amni ee ku wajahan bulshada.
Ugu dambeyn, shirka ayaa si rasmi ah u ansixiyay Qorshaha Sanadeedka JPP II ee 2026 iyo miisaaniyaddiisa, taas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu tayeynayo hay’adaha amniga dalka, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood dheeri ah oo ay ugu adeegaan shacabka, u xoojiyaan xasilloonida dalka, una daboolaan baahiyaha amni ee bulshada.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay deeq-bixiyeyaasha iyo bah-wadaagta taageeradooda joogtada ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Barnaamijka JPP II uu door muhiim ah ka qaadanayo dhismaha Boolis tayo leh, hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana si dhow ula shaqeeya bulshada Soomaaliyeed.






















