Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga gudaha XFS oo la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Urdun “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga gudaha XFS oo la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Urdun “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow oo ku sugan Dalka Al-jeriya, kagana qeyb gali doona shirka 35aad ee Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Dalalka Carabta, ayaa maanta la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Mudane  Samiir Al-mubiiydayn, iyaggoo kawada hadlay arrimo badan oo quseeyo labada dal.

Wasiir Isloow, ayaa Wasiirka arrimaha gudaha Urdun warbixin kasiiyey Xaaladda Amni ee Soomaaliya, sida ay u shaqeyso Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo in qaabka Ciidammada AMISOM ay uga baxayaan dalka markii uu dhammaado waqtigooda.

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirka arrimaha gudaha ka codsaday kobcinta awooda Ciidanka Soomaaliya, Tababaro iyo agab in lagu kaabo hay’addaha Amaanka , in la iska kaashado Amniga iyo Khibradaha, in la sameeyo xog is weydaarsi u dhaxeeya Hay’addaha Amniga iyo in la saameeyo guddi heer wasiir ah oo kawada shaqeeya arrimaha amniga.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Galabta ku qaabilay deegaankiisa Mudiirka Jaamacada Naayif alcarabiya ee culuumta amniga Dr C/majiid bin C/lla Al-bunyaan, isaggoo wasiir ducaale u hambalyeeyay Dr: C/majiid oo dhowaan loo doortay Mudiirka Jaamacadda, Halkaas oo ay kaga  wada hadleen siddii ay Jaamacada uqu qaban lahayd Booliska & Ciidamada Amniga tababaro kala duwan loogana heli lahaa waxbarasho bilaasha oo loogu deeqo Booliska iyo Amniga.

Wuxuu balan qaaday mudiirka jaamacada inuu diyaar u yahay  wax alaala waxii lagu horumarinayo Ciidammada Soomaaliya, gaar ahaan (Booliska) lana kala saxiixan doono heshiis u dhaxeeya Wasaaradda & Jaamacada.

Previous Post

Ra’iisul wasaare ku xiggeenka XFS oo daahfuray Munaasabadda dejinta siyaasadda Qaran ee cayaaraha

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah Furay Mashruuc Dib loogu dhisayo magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah Furay Mashruuc Dib loogu dhisayo magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah Furay Mashruuc Dib loogu dhisayo magaalada Muqdisho "SAWIRRO"

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In