Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
9 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr. Wang Yu, iyaga oo kulanka ku lafaguray xoojinta iyo adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Intii uu socday kulanka, Safiirka ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda Shiinuhu uga go’an tahay taageerada midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo xusay in Shiinuhu ixtiraamayo qawaaniinta caalamiga ah ee si cad u qeexaya madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026

Sidoo kale, Safiirka ayaa Wasiirka la wadaagay in Dowladda Shiinuhu diyaarisay barnaamijyo isugu jira aqoon is-weydaarsi iyo aqoon kororsi, kuwaas oo lagu taageerayo howlaha miina baarista, tababarrada ciidanka iyo kor u qaadista xirfadaha iyo aqoonta Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada Shiinaha ee lagu garab istaagayo horumarinta iyo tayeynta hay’adaha amniga ee Soomaaliya.

Wasiirka amniga gudaha ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka iyo horumarinta awoodda hay’adaha amni. Wuxuu xusay in iskaashi buuxa oo laba geesood ah uu horseedi karo nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqda guud ahaan dalka.

Previous Post

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shirka sharciga Saadaasha Hawada ka furtay Nairobi

Next Post

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

Next Post
Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo...

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In