Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta la ciiday Caruurta Agoonta Booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku ciidayay Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ciidda ee carruurta Agoonta Booliska ayaa waxaa Wasiirka iyo Taliyaha ku weyhliyay Taliye-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo saraakiil Kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Sulub Axmed Firin ayaa carruuta agoonta Booliska oo uu la ciiday ugu Hambalyeeyay carruurta maalintan ciidda ah ee dhamaan looga dabaaldagay Dunida Islaamka gaar ahaan dalka, waxa uuna Alle weydiistay in Ciidan Ciideeda kale Nabad iyo Barwaaqo nagu gaarsiiyo.