Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarsanguuni: Ciidanka Xoogga dalka oo jab xoogan gaarsiiyay khawaarijta gacantana ku dhigay maxaabiis

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Baarsanguuni: Ciidanka Xoogga dalka oo jab xoogan gaarsiiyay khawaarijta gacantana ku dhigay maxaabiis
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ayaa Khawaarijta ku laayey dagaal ka dhacay degaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Dawaariishta Jubbaland Jeneraal Ismaaciil Saxardiid oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in jab xoogan loo geystay khawaarijta oo isku dayay weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen fariinka ciidanka ee deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose,

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaan shacabka u xaqiijinayaa in qasaare xoogan lagu gaarsiiyay weerarkii saaka ay maleeshiyada soo qaaday, waxaana madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo Jubbaland ka codsaneynaa in la dalacsiiyo ciidamada ku guuleystay inay jilbaha u aasaan dhagarta khawaarjita”.ayuu yiri Jeneraal Ismaaciil Saxardiid

Taliyaha Guutada 11-aad, qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi ayaa xusay in ciidamada ay gacanta ku hayaan shan maxbuus oo ka tirsan khawaarijta duulaanka soo qaaday, isagoo intaa ku daray “27 Khawaarij ah ayaan ku dilnay Baarsanguuni, 5 maxaabiis ah ayaan gacanta ku dhignay, ciidanka maanta howlgalkaan fuliyey waxaan codsaneynaa in la dalacsiiyo,”

Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo faah faahin ka bixiyey khasaaraha khaawarijta lagu gaar siiyey saaka deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose ayaa tilmaamay in ciidamada wadajirka ah ay ku guuleysteen inay jebiyaan duulaanka ay ku soo qaadeen fariisamaha ciidanka, isagoo ciidamada ku bogaadiyay inay dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah khawaarijta.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya 

Next Post

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo la ciiday carruurta Agoonta Booliska Soomaaliyeed

Next Post
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo la ciiday carruurta Agoonta Booliska Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo la ciiday carruurta Agoonta Booliska Soomaaliyeed

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In