Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga iyo taliyayaasha ciidamada NISA, Asluubta iyo Booliiska oo kormeeraray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga iyo taliyayaasha ciidamada NISA, Asluubta iyo Booliiska oo kormeeraray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Somalia, Md C/risaaq Cumar oo ay wehliyaan Taliyaha NISA, Gen             C/raxmaan Maxamad Tuuryare, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Gen Bashiir Maxamad Jaamac, Taliyaha
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen Maxamad Sh Xaamud ayaa soo kormeeray Wadooyinka 30-Ka, Warshadaha, Shaqaalaha, Wadada 21 October iyo Meelo kale oo Halbowle u ah Caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Kormeerkan oo ujeedadiisu ahayd  u kuur galidda Amniga Caasimadda Habeenka 1-aad ee Ramadaam ayeey Wasiirka iyo Taliyayaashu ku lugeeyeen inta u dhaxaysa 2 Dhagax iyo Cali Kamiin, Waxay sidoo kale
Masuuliyiintan kula shaaheeyeen Dhalinyaradda 2 Dhagax mid ka mida Maqaayadaha ku yaala Xaafadaasi. iyadoona ay taasi qayb ka ahayd Qorshaha ay Dawladda Somalia ku dhiiragalinayso Dhalinta. intii uu Kormeerkan socday Waxay Wasiiradda iyo Taliyayaashu mid u istaageen Baro Koontaroolo oo ay Ciidamadda NISA iyo Boolisku ka
samaysteen Wadooyinka Wadnaha, 30-ka, Warshada iyo Shaqaalaha, halkaas oo loogu tagay Ciidamo u diyaarsan Sugidda Amniga Shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Ciidamadda Amnigu waxay si gaar ah u illaalinayeen Ammaanka Masaajidada ay ku cibaadaysanayaan Shacabka Muslimiinta ee tukanaya Salaadda Taraawiixda. Waxayna taasi keentay inay shacabku ku kalsoonaadaan Masaajidda oo ay markii ugu hore uga baqayeen inay ku dilaan Maleeshiyaadka UGUS. inta badan Wadooyinka 30-ka iyo arshadaha waxaa ku teedsan Ciidanka NISA, halka Wadooyinka Shaqaalaha iyo Wadnahana ay sugayeen Amnigeeda
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale sugidda Amniga qayb ka ah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo iyaguna si wayn u adkeeyay Amniga Wadada 21 October, gaar ahaan Agagaaarka Xabsiga Dhexe iyo Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Wasiirka Amniga Qaranka, C/risaaq Cumar ayaa ka hadlay Kormeerkooda, Kormeerkan ayeey Wasiirka iyo Taliyayaashu ku soo gaba gabeeyeen Xarunta Bankiga Dhexe ee Somalia, halkaasoo ay  u kuur galeen sida ay
u shaqaynayaan Ciidanka Amniga ee halkaasi Illaaladda ka ah. Waxayna soo indha indheeyeen inta barood ee laga illaaliyo Bankiga Dhexe ee Somalia oo ah meel Amnigeeda si wayn loo adkeeyay.

Kormeerka intii ay ku jireen Wasiirka iyo Taliyayaasha waxay sameeyeen Dukaamaysi ay ku dhiiragalinayeen Ganacsatadda Maalgashiga ku samaystay Dalka, Waxayna tageen Supermarket si wayn u qalabaysan oo ku
yaala Wadada Shaqaalaha, halkaasoo ay ka iibsadeen waxyaabo kala duwan.

Ciidamadda NISA iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa sameeyay diyaar garoowgii ugu sareeyay ee Amni Bisha Barakaysan ee ramadaan. taasoo ay uga gol leeyihiin inay Shacabka Saa’imiinta ah ka illaaliyaan Dhagarta
UGUS.

Previous Post

Baydhabo oo caawa u soo gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho 19. 06. 2015.

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho 19. 06. 2015.

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In