Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga “Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa u xiran falkii lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga “Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa u xiran falkii lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo ku simaha Taliyaha Booliska Soomaaliya ahna taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Mukhtaar Afrax Xuseen ayaa si kulul waxay maanta uga hadleen dhacdadii shalay lagu dilay Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale.iyo Xoghayihii Ururkaasi Canab C/laahi Xaashi.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa marka hore sheegay in wax laga xumaado ay tahay in degmada Xamarweyne oo ka mid ah degmooyinka ugu nabdoon Gobolka Banaadir in kooxo hubeysan dil ka geystaan haddana baxsadaan, isagoo dhan kale sheegay iney jiraan mas’uuliyiin u xiran falkaasi maalmaha soo socdana warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Sidoo kale,Wasiirka Amniga ayaa carabka ku dhuftay iney jiraan baaritaan ku socdo mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amaanka oo falkaan lala xiriirinayo,islamarkaana ay dhici karto haddii ay ku cadaato iney xilkooda ku waayaan.

Dhanka kale,Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Mukhtaar Afrax Xuseen ayaa marka hore cambaareeyay falka lagu weeraray gaari ay lahayd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale. oo darawal uu ka ahaa Wiilkeeda oo lagu nagacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi oo weerarka lagu dilay.

Wuxuuna Taliye Afrax ku tilmaamay falkaasi mid laga xumaado oo u baahan in laamaha amaanka qaadaan talaabooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo kooxaha argagaxisada oo caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Weerarka dilka ah ayaa shalay oo taariikhda ku beegneyd 27-September 2017, ka dhacay Wadada Via Roma ee degmada Xamarweyne,waxaana labada ruuxa ee la toogtay ay wateen gaari Surf ah iyada oo ay labaduba ay goobta ku nafwaayeen..

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Mukhtaar Afrax ayaa hadalkaan waxay ka jeediyeen kulan looga hadlayay adkeynta amaanka oo ka dhacay Xarunta Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Previous Post

Xafiiska diiwaangelinta Xisbiyada siyaasadda oo maanta laga furay Muqdisho

Next Post

Olole nadaafadeed oo maanta laga fuliyay xarumaha wasaaradaha dowladda iyo degmooyinka G/Banaadir

Next Post
Olole nadaafadeed oo maanta laga fuliyay xarumaha wasaaradaha dowladda iyo degmooyinka G/Banaadir

Olole nadaafadeed oo maanta laga fuliyay xarumaha wasaaradaha dowladda iyo degmooyinka G/Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In